Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Dilkan Foosha Xumaa ee ay kooxda nabad diidka Al-Shabaab ku fuliyeen sadex dhibane oo ay shalay ku dileen magaalada Baraawe Maxamed Cabdulle Geelle oo 29-jir ahaa uu hagayay duqayn October-tii la soo dhaafay Mareykanka ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Anta-Anta. Al-Shabaab waxay sheegtay in ninka kale, Axmed Cabdullaahi Faroole oo 47-jir ahaa uu jaajuus u ahaa maamulka Puntland. Ninka saddexaad, oo aysan kooxda shaacin magaciisa, waxay ku eedeysay inuu u basaasayay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa warbixin ka soo saaray Qoyska Madaxwaynihii hore ee Puntland Reer Faroole iyaga oo sheegay in Walaalkood loo dilay QABIIL iyo waxa uu ka yimid Puntland tasoo soo dadajisay in isla maantaba laga Baadi goobo dhulka Puntland dadka u dhashay beesha Arab oo iyadu degta Galbeedka magaalada Hargaysa.
Afhayeenkan ayaa sheegay inuusan Axned Jaajuuus ahayn uuna xidid la ahaa beesha Cayr ee haatan deegaameesatay Baraawe, Ilaa intii dagaalkii sokeeye dhacayna uu deganaa Koonfurta Soomaaliya uusana noqon doonin nin dhiigiisa inta la’daadiyo layska ilaabo.
Lama oga in colaada loo faafin doono in la gumaado beesha Isaaq taasoo keeni karta jab iyo Halaag dib ugu bilowda dhinicii fiyoobaa ee Soomaaliya guulwayna usoo hoyn doonta Argagixisada Al-Shabaab, Dhinacakale dad ka ag dhaw qoyska oo aanu waraysanay ayaa noo sheegay in la damac san yahay in duulaan aan lookala hadhin lagu qaado deegaanada ay Shabaab ka taliyaan hadii is afgarad lala gaadho beesha Hawiye oo iyada dhulkeeda Al-shabaab badankiisa ay gacanta ku hayaan.
Dhinaca kale waxaa iyagana laga yaabaa in la hujuumo qaraabada RAG aanan doonayn inaan magacyadooda halkan ku shaacino oo iyagu kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.
Ceegaag.com
Figradihiina