Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Febraayo 6 ( Ceegaag)—Baarayaal ka tirsan Hay’adda Dembi baarista Maraykanka ee FBI ayaa soo gaaray magaalladda Muqdisho, kuwaasi oo ka qeyb galayo Baaritaanka socda ee lagu ogaanayo waxa sababay qarixii Talaadadii hore ka dhex dhacay Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines.
Kooxda Baarayaasha ayaa rumeysan inuu qaraxaasi u eg yahay inuu dhaliyey Bam yar oo lagu soo dhex qariyey Laptop.
Nooca Diyaaraddaasi Daallo ayaa ah Airbus A321, Flight No. 3159, wuxuu qaruxu ku qabsaday iyadoo dhulka ka kacday una jirta masaafo dhan 11,000 oo Feet, waxayna taasi qasabtay inuu Duuliyaha Diyaaradaasi si degdeg ah ugu soo laabatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Laba qof ayaa ku dhaawacantay Diyaaradda, iyadoo maydka nin la sheegay inuu Diyaaraddu ka dhacay markii uu qaruxu dhacay laga helay Degmadda Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe, iyadoo qubarada baaraya diyaaradaasi ay rumaysan yihiin inay dhici karto inay Al-Shabaab ama Daacish ka dambeeyaan Qaraxaasi.
Baarayaal kale oo ka socda dalka Giriiga iyo kuwo kale ayaa qeyb ka ah Baaritaanadda haatan lagu hayo Diyaaradda Daallo Airlines ee uu qaruxu saameeyey, taasi oo haatan fadhida Garoonka Diyaaradaha Milliteriga Afisiyoone ee kaabiga ku haysa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalladda Muqdisho.
Afhayeenka Shirkadda Turkish Airlines, Yahya Ustun ayaa sheegay in inta badan Rakaabkii raacay Daallo Airlines ay asal ahaan ku qornaayeen Jadwalka Duullimaadka Turkish Airlines, balse Duullimaadkaasi loo kansal-gareeyey sababo la xiriiray Cimilladda oo xumayd iyo Sababo Hawlgal.
Ceegaag.com
Figradihiina