Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Qusulkii Maraykanka ee wadanka Liibiya oo ladilay xalay kadib markii lagu weeraray aqalka Safaarada ee ku yaalay magaalada Banqaasi ee caasimada 2aad ee wadanka liibiya. Weerarkan lagu dilay qusulka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee qusul maraykan ah lagu dilo ilaa sanadkii 1979 dilkii loogu gaystay qusulkii maraykanka ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta magaalada Abu Dabay.
Quslka ladilay maanta ayaa ahaa Dublamaasi aad ugu xeel dheeraa wadamada Carabta isaga oo ahaa raga fara ku tiriska ah ee sida fiican uga shaqeenayay wadamada carabta inay ka dhalato Dimoqraadiyad ku salaysan Cadaalad iyo sinaan ay dadku kuwada noolaadaan iyaga oo xor u ah inay sida ay doonaan u maareeyaan mustaqbalkooda.
Dublamaasigan ayaa ahaa ninkii ka badbaadiyay in kudhawaad ilaa 100,000 oo reer Banqaasi ah uu birta saaro kaligii taliyihii reer Liibiya Mucamar Al-Qadaafi. kacdoonkii ka dhanka ahaa dawladiisa ee xukunka lagaga tuuray.
Dilka waxashnimada leh ee loo gaystay dublamaasigan ayaa waxaa dhaliyay kadib markii nin Yuhuudi ah oo ay dabada kariixayaan nin nin Kiristaanka Masaariyeed ahi soo saareen Filim ay wax kaga sheegayaan Nabigeena Maxamed NNK. kadibna ay ku daabaceen aalada Youtube oo dadku xor u yihiin inay ku daabacaan wixii ay doonaan.
Flimkan ayaa waxaa kacdoon xoogleh ka dhaliyay magaalada Qaahira oo la weeraray Safaaradii maraykanka iyada oo Calanka mareekanka lagu badalay Calanka Islaamka balse aan wax layeelin dublamaasiyiintii oo badankoodu guryahooda u caraabeen markii uu weerarka qaahira dhacayay.
Dawlada mareekanka ayaa si aada uga gilgilatay dilkaa iyada oo wasaarada arimaha dibadu ku tilmaantay wax aan loo dul qaadan karin halka aqalka Cadna lagu tilmaamay dilkaa Christopher Stevens inuu yahay mid waxashnimo ah.
Xoriyada ay gaadheen qaar kamida wadamada Islaamka ayaa waxaa dabasocda kalsooni daro iyo karti la’aan wali haysa xukuumadaha ka hanaqaaday wadamadan taasoo keenasa in lagu xad gudbo nidaamka sharciga iyo qawaaniinta caalamiga ah ee birmagaydada ah.
ceegaag.com
Figradihiina