Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Anigoo ah Ciise Maxamuud Aadam, waxan ka cudur daaranayaa, raali gelina ka bixinayaa arin aan ku xusay laba qoraal, oo aan dhowaan qoray, arintaas oo runtii ahayd mala awaal aan cadayn sugan wadan, hase yeeshee ay cadaatay in aanan asiibin, sideedabana wax badan, oo saxaafada ku soo baxaa waxay ku salaysan yihiin mala awaal, ay sababaan dhacdooyin isku soo beegma,
Taas oo uu qofku asiib karo, kuna khaldami karo, waana arin caadi ka ah saxaafada, sidaas darteed dhacdooyin dhowr ah, oo isku soo beegmay ayaa keenay, in aan walaalkay u soo jeediyo eedayntan, aan hada garwaaqsaday inaan ku khaldamay, taas oo ay ahayd eeda aan u soo jeediyay walaalkay Axmed Laari, in kooxda G11 ay laaluusheen maslaxeena, si uu iyaga u
Taageero, ka dib markii ay ka dareemeen, in uu si dhex dhexaadnimo ah, oo aan iyaga maslaxadi ugu jirin, bal lidi ku noqon karta, uu u shaqaynaayo, bal se arintan oo aanan asiibin sidaan hada soo xusay, waxaan go’aansaday, inaan raali gelin ka siiyo mudane Axmed Laari iyo intii aqrisatay eedaaba, waxayna taasu ka dambaysay ka dib markii uu Axmed Laari si geesinimo
Leh iiga dalbaday, in aan eedaa laaluushka ku soo cadayo, waana sidii uu yeeli lahaa nin kasta oo damiir nool, caqli wanaagsan, sharaf iyo karaamo u saaxiib ahi, oo aan doonayn in shaadhkiisa la wasakhayo, oo sharaftiisa iyo karaamadiisana wax loo dhimo, taas oo aanay haba yaaraatee ku dhicin karin, kuwa aan xishoon, ee aan diin, xeer iyo sharci qabtaaba jirin, ee hortaa
Banaanta isaga socoda, ee caadaystay anshax xumada, tuugnimada, fidna abuurka, beel cayga, aflagaadaynta dadka mudanka ah sida Isimada, Cuqaasha, iyo odayada waxgaradka ah, iyo weliba isku dirka ummada, bal waa kaas ee buuryaqabta aan xilkaska ahayn, ee wax ku qorta Horufadhi, Lasanod, Daldoon iwm, ha ku kaceen, mid la mid ah talaabadaa geesinimada ah, ee
Uu samayay Axmed Laari!! Ma kari karaan!! Waayo waxaa iyaga si joogta ah, uga muuqda websiteyadooda, anshax xumo oo dhan iyo tuugnimo!! Bal waxay u haystaan, mar hadiiba magacooda la soo qaad qaaday, in ay yihiin niman guulaystay, oo dadka ka qaylisiiyay!! Waayo maskaxdooda ayaa foororta, oo aan wax u fahmin sida basharka, wanaaga xumaan bay u arkaan,
Xumaantana wanaag!! Mudane Axmed Laari se awelba marnaba cidina kuma eedayn tuugnimo, anshax xumo, ku xadgudbka xuquuqda dadka kale, iyo wax la xidhiidha toona, waana nin xumaanta ka damqada, oo aqoonyahan ah, oo sharaf leh, ee bal eedaha aan u soo jeediyay, waxay uun ahaayeen dhinaca cadaalada, iyo weliba siyaasada, oo lagu kala gedisanaan karo,
Dhowr arimood, oo la xidhiidhana waan ku eedayay, bal se arinta aan ka raali gelinayaa Axmed waa arinta laaluushka oo keli ah, arimaha kale se, oo aan soo raaciyay cadaymo waafi ah, iyo weliba waxyaabo kale, oo websitekiisa ku soo baxay, oo ku-tiri ku-teen ah, ahna arima culus, wax cadayna ahna aan wadan, Axmed ayay u taalaa siduu isaga kor qaadi lahaa, oo uga raali
Gelin lahaa cidii ay khusayso, anigu se arintaa laaluushka mudane Axmed Laari, waxaan ka siinayaa raali gelin buuxda, cimaamad Rashwaan ah, oo xaal ahna, madaxa ayaan u saaray, oo waan ka noqday hadalkaa, ka dib markii ay ii cadaatay, in aan ku khaldamay, isagana waxan ka rajaynayaa in uu aqbalo raali gelintayda, waxan ku soo afmeerayaa qoraalkan, in badan oo
Qoraaladayda ah waxan adeegsadaa hadalka ah (websiteyada ku qadhaabta magaca Khaatumo), aniga oo eedo u soo jeedinaaya, runtii macnuhu maaha, in aan dhamaan wada eedaynaayo, websiteyada adeegsada magacaa, bal waxa ku jira, kuwa ay qoraan dad sharaf iyo karaamoba u saaxiib ah, aanuba isku maan dhaafsanaano siyaasadaha goboladeena ka socda ee, bal se kuwa
Aan u jeedaa, waa kuwa aanu is ognahay, in badana aan qoraaladayda ku magacaabay, sidoo kale kooxaha taageera G11, waxaa ku jira dad badan oo daacad ah, bal se la khalday, oo fikir xun qaatay, sidaas darteed waxan leeyahay, siyaasadu ma laha saaxiibtinimo iyo taageero joogta ah, oo duruufo badan baa ged gediyi kara, laakiin waxaa jira dan guud oo joogta ah, tusaale anigu
Muda fara badan waxaan taageeri jiray Prof. Cali Khaliif, mudooyinkan dambe waxaan taageeri jiray mudane Axmed Karaash, labadaa midna maanta ma taageersani, bal se inaan raadiyo xuquuqda gobolada SSC, una raadiyo aaya wanaagsan, intii karaankay ah, waa ii mabda’ aasaasi ah, waxna kama bedelin kamana bedeli doono, bal se waxa ii muuqata in dad badan, oo ah
Siyaasiyiin, taageerayaal, warbaahinta qaybaheeda kala gedisan, ay beryahan dambe dhamaantoodu ku xadgudbeen mabda’aa aasaasiga iyo lama taabtaankaba ah, oo fidno lagama soo waaqsadaan ah, dhex dhigeen shacabkii goboladaa, ayna adkaan doonto, kalsooni iyo midnimo mar dambe dhex marta shacabkaas, taas oo luminaysa xuquuqdoodii iyo
Rabitaankoodiiba, marka ha ka fogaadaan qolyahaa websiteyada qoraa, ee aan iyagu u badheedhin xumaanta, iyo kala fogaynta shacabka, in ay adeegsadaan siyaasiyiin dana guracan wata, oo ay ku taageeraan rabitaankooda sharci darada iyo fidnada ah. Halkan ka aqriso qoraaladii aan Axmed Laari ku eedayay (halkan ka aqriso iyo halkanba),
Afeef: marka aan leeyahay G11, oo aan hore ugu yeedhi jiray G12, dabcan waan ka saaray Maxamed Buraale Allaah ha u naxariisto ee, laakiin ninka aan had iyo jeer ku daraa waa Indha Sheel.
Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam
Figradihiina