Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Raggii ka dambeeyay dilkii Hindiyo Xaaji oo shalay la toogtay

Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay labadii nin ee ka dambeysay dilka Allaha u naxariistee Marxuum Hindiyo Xaaji Maxamed, kuwaasi oo kala ah C/risaaq Maxamed Barrow Caddow iyo Xasan Nuur Cali Faarax. Maxkamadda ay saaka xukunkii cadaaladda ah ku fulisay C/risaaq Maxamed Barrow Caddow iyo Xasan Nuur Cali Faarax oo ahaa raggii dilay Allaha u naxariistee marxuum Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka mid ahayd suxufiyiinta Wasaaradda Warfaafinta.

Sadexda bishii 12aad ee sanadkii 2015 ka ayay ahayd markii C/risaaq Maxamed Barrow Caddow iyo Xasan Nuur Cali Faarax ay gaarigeeda Allah u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed Kheyre ugu xireen qarax, waxaana 25ka bishii February Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ay xukunno kala duwan ku riday labada nin, iyadoo maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ay laashay xukunkaasi, kuwaasi oo 20-kii March ay labaduba ku riday xukun dil ah, waxaana saaka lagu fuliyay xukunkaasi.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply