Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisal Wasaare Sharma’arke oo booqday xeryaha qaxootiga Dhadhaab

November 7(Ceegaag)— Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdrashid Cali Sharma’arke ayaa maanta booqday xeryaha qaxootiga dalka Kenya kadib markii uu shalay gaaray magaalada Nairobi.
Cumar Cali Sharma’arke ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu booqday qeybaha kala duwan ee qaxootiga ay degen yihiin iyo halka laga soo dhoofiyo dadka qaxootiga ah. Ammaanka xeryaha qaxootiga ah ayaa la adkeeyay iyadoo hore wasiirka amniga ee dowlada Kenya uu booqday xeryahaas.
Wafdiga R/wasaaraha waxaa ka mid ah Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed islaam(Axmed madoobe) Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya, Wasiirka qorsheynta iyo iskaashika caalamiga xukumada Soomaaliya, wasiirka Ganashandhiga, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Danjiraha dowlada federalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Qunsulka safarada Soomaaliya ee dalka Kenya Madaxa gudiga arimaha qaxootiga iyo barakacaayasha Soomaaliya Axmed daahir.
R/wasaaraha iyo weftigiisa ayaa u kuur galay xaaladda nololeed ee qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab, iyagoo tagay goobo dhowr ah sida xarunta dadka Soomaaliya ku laabanaya iska diiwangeliyaan, iskuulka sare xerada Ifo, Isbitaalka weyn ee xerada Ifo,
Wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa la kulmay madaxda xeryaha qaxootiga Soomaalida ah isagoo ka dhagaysatay dhibaatooyinka ka jira xeryaha iyo baahidooda. Waxana uu ra’iisal wasaaraha u sheegay dadka uu la kulmay in dalka haatan uu yahay nabad isla markaana ay imana karaan noloshoodana dib u bilaabi karaan.
Ra’iisal wasaare Sharma’arke ayaa la kulmay qaar kamid ah dadka diyaarka u ah inay dalkooda dib ugu soo laabtaan waxaana qaxootigaas ay sheegeen inay diyaar yihiin ayna doonayaan inay dib ugu laabtaan gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo magaalada Kismaayo.
Kumanaan Soomaali ah ayaa weli ku sugan xeryaha qaxootiga ah ee ku yaal dalka Kenya iyagoo ka cararay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya.
Dowladaha Soomaaliya,Kenya iyo hay’ada u qaabilsan qaxootiga ayaa ku heshiiyay in dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ah balse aan la qasbin cidii doonaysa inay iska sii joogto dalka Kenya


Ceegaag.com.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply