Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
April 4 (Ceegaag)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa soo dhaweeyey heshiiskii xalay lagu saxiixay magaalada Garowe, isagoo tilmaamay heshiiskan uu lagama maarmaan u yahay in la helo xal maangal ah oo waqtigan kala guurka ah ee dalku marayo looga gudbi karo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad celiyay Maamulka iyo Shacabka Puntland, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xili adag oo xasaasi ah, isla markaana looga baahan yahay in tanaasul la muujiyo, isagoo xusay muhiimadda ay arrintan u leedahay dalka Soomaaliya, xiligan kala guurka ah iyo wada shaqaynta Dawladda dhexe iyo Puntland.
“Marka koowaad waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweyntii ay noo sameeyeen dadka Puntland tan iyo intii aan halkaan joognay, Heshiiskan aan caawa gaarnay waa mid xal Soomaaliyeed lagu gaarayo wuxuu muhiim u yahay bud-dhigida mustaqbalka, dowladnimada, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta Soomaaliya, Waana habeen taariikhi ah oo aynu asaaska u dhigayno mustaqbalka waddankeenna iyo xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna.
“Dhammaan Xubnaha dowladda iyo Beesha Caalamku waxay kaalin weyn ka qaateen in aan maanta halkaan soo gaarno, sidoo kale waxaa arrintan kaalin weyn ka qaatay siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka.
Ugu dambeyn Ra”iisul Wasaaraha ayaa sheegey in Dowladda Federaalka ay muhiimad weyn siinayso xal u helida mushkiladaha u baahan in wax laga qabto, waxaana uu ku celiyey in sanaddan 2016 wixii ka danbeeya dalku ka gudbi doono nidaamka 4.5 oo muddo badan lagu soo gudbay.
Ceegaag.com
Figradihiina