Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Agosto 22 (Ceegaag)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa cambaareeyay qarax loo adeegsaday gaari oo lagu weeraray xaruntii hore ee Jaamacada Kismaayo, oo fariisin u aheyd ciidamo isku dhaf ahaa oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad illaalinta ee AMISOM.
War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ujeedkii ahaa in lagu carqaladeeyo hanaanka dowlad dhisida Soomaaliya, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay weerarka.
“Maanta waxay kooxaha argagaxisadu weerareen Jaamacadda Kismaayo oo saldhig u ah Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya, weerarkaasi lagama gaarin wax ujeeddo ah aan ka ahayn in meesha ay ku dhinteen askar geesiyaal ah oo Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkaas aanu ka weecin doonin horumarka iyo dib u dhiska, isla markaana laga guuleysan doono kooxaha argagixisada xilliyada soo socda.
“Waxaan Tacsi u dirayaa ciidanka geesiyaasha ah ee ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliya ee weerarkaasi ku geeriyooday, waxaana sidoo kale tacsi u dirayaa cid walba oo falkaas argagixiso ay waxyeelo kasoo gaartay” ayuu yiri ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirshiid Sharmarke.
Illaa 15 ruux ayaa ku dhintay weerarkaas, halka sodomeeyo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxan oo ka dhacay xarunta lagu tababararay ciidamada isku dhafka ee ku taal duleedka Kismaayo, waxaana ruuxa qaraxa fuliyay la sheegay inuu ahaa askari aad loo yaqaanay oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada, iyadoo warar soo baxaya sheegayaan inuu muddo sanad la joogo ciidamada, horayna uga yimid Al-Shabaab.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina