Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay dhismaha Ciidamo qaran oo hanta ammaanka dalka

October 3 (Ceegaag)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan Dhismaha Ciidamo Qaran oo awood u leh inay hantaan awooda Dalka, iyaga oo kaashanaya dowladaha taageera Soomaaliy.
Ra’iisul Wasaaraha oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay Horumarinta Ciidanka Qaranka.
“Qorshaha ciidankaan aan u tayeynayno maaha in ay u shaqeeyaan qabiil ama ay la sii dagaallamaan Shabaab laakiin, waxaan u tayaynaynaa in mar dambe Soomaaliya ay dhibaato ka dhicin, ciidanka nuucaas ah waxa ay u baahan yihiin qalab, dhaqale iyo tababar, dowladaha aan is leenahay way idinka caawin karaan waxaa ugu horeeya dowladda Ingiriiska”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay waddo dadaallo lagu xoojinayo Mushaaradka ciidamada, gaar ahaan in la ilaaliyo waqtiga ciidanka ay qaataan lacagaha dowladda ay ugu shaqeeyaan.
“Waxaan wadnaa waxa ay hadda helaan ciidamada in la joogteeyo, waxyaabaha aan dhaqaalaha awoodda u siinayno waxa ay tahay in la tayeeyo ciidamada, si dhaqaale fiican u qaataan”ayuu yiri Ra’iisul Waasaaraha.
Mar uu ka hadlayay xerooyinka Ciidamada iyo habka la doonayo in loo tayeeyo, si loo ogaado nolosha Ciidamada qaranka oo ah awooda koowaad ee dadka iyo dalka.
“Waxaa noogu daran oo hadda dhibka naga haysta waxa ay tahay Xerooyinka Ciidamada, dowladduna waxa ay waddaa qorshe loogu diyaarinayo ciidanka Qaranka xirooyin ay ka heli karaan Nolol wanaagsan Tababarna ay ku qaadan karaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qorshayaasha ay dowladdu waddo ay la kaashan doonto dowladaha caalamka ee taageerada siiya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkaan waxa ay wadday qorshe lagu horumarinayo ciidamada qaranka iyo sidii loo heli lahaa ciidamo isku dhaf ah oo qaranka u shaqeeya dadalladaas oo hadda meel wanaagsan u maraya Dowladda.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply