Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 23 (Ceegaag)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo xalay ku hoyday magaalada Beledweyn ayaa la kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan, iyagoo ka wada hadlay xalinta muranada ka jira shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Odayaasha uu la kulmay kala hadlay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen shirka maamul u sameynta labada gobol ee gogoshiisa taalo, iyadoo la isku afgartay in la xaliyo tabashada ay qabaan.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha beel ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan is afgarad laga gaaray, isla markaana inta dhiman la dhameystiri doono.
“Beelaha reer Hiiraan mid ka mid ah ayuu la kulmay qaabilaada si heer sare ah ayay ku socoten, inta ay is arkeen wax waa isla meel dhigeen waa ka heshiyeen waxayna ku faataxeysteen in degmada Jowhar oo ay taalo gogosha la tago”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Waxaa uu sheegay in la isku hayo sad bursi la xiriira in beelaha ay helaan xubnahooda maamulka, isagoo xusay in marka wax la isku darayo uu dhaco is jiid jiid, balse la xalinayo waxyaabaha jira sida uu yiri.
“Labada Gobol la iskuma diidana in la isku daro waa dad wax ka dhaxeeya, balse waxaa la isku hayaa maamulka la dhisayo sida loo kala qaadanayo Mas’uuliyadiisa, waana la isku soo dhowaaday, waxa dhiman Ra’iisul Wasaaraha dhameystirayo.
Warar qaar ayaa sheegaya in beel ka mid ah beelaha Hiiraan oo horay u diiday inay la kulmaan Wasiirka Arrimaha Gudaha ay wali shuruud ku xireyso la kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo ka qeyb galka shirka Jowhar.
Lama oga sida uu Ra’iisul Wasaaraha ugu guuleysan doono xalinta tabashada ay qabaan Odayaasha Gobolka Hiiraan, waxaana horay natiijo la’aan ku dhamaaday kulamo la doonayay in lagu xaliyo tabashooyinka ay qabaan beelaha qaar.
Ceegaag.com
Figradihiina