Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa maanta ka hadlay maalinta Qaxootiga Adduunka, isagoo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka iyo kuwa gudaha dalka ku barakacay u diray salaam gaar ah.
Mudane C/weli Sheekh oo socdaal ku joogaa dalka Kenya ayaa ku yeeshay maanta shirar kala duwan oo looga hadlay arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, isagoo sheegay in maanta Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ugu qaxootiga badan caalamka, taasina ay sabab u tahay dhibaatooyinka dalka ka jiray 23-kii sano ee la soo dhaafay.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu xusay inuu dalku hadda ku joogo waddadii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinkaas si dadka Soomaaliyeed ay u helaan meel nabad ah oo ay ku noqdaan.
“Waxaan maalinta loo asteeyey maalinta Qaxootiga Adduunka, waxaana kuwa qaxootiga ku ah dalalka dariska ah, dalalka caalamka iyo barakacayaasha gudaha jooga ku wargelinaynaa inay xukuumaddani ku dadaalayso sidii ay dalka u gaarsiin lahayd heer ay dadku ku soo noqdaan nabad iyo wanaag. Dhibaatooyinkii nasoo gaaray 23-kii sano ee lasoo dhaafay waan ka gudbi doonnaa haddii intaan ALLE kaashanno aan u wada istaagno dadaalkaas,” ayuu Cabdiwali ku sheegay hadalkiisa.
Ra’iisul wasaaraha wuxuu dalka Kenaya ku galay kulammo looga arrinsanayay sidii qaxootiga Soomaaliyeed ee ku suagn Kenya, siiba kuwa ku jira xeryaha qaxootiga, loogu fududeyn lahaa inay dalkooda dib ugu soo noqdaan, iyadoo aan la qasbin.
“Waxaan dalka Kenya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ee UNHCR kala xaajoonaynaa sidii loo dhamaystiri lahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee lagu soo celinayay Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya. Ma ahan hawl fudud in Qoxootiga Soomaaliyeed lasoo celiyo, sababtoo ah waxay u baahan yihiin in loo diyaariyo goobo ammaan ah, guryo la dajiyo, shaqooyin loo abuuro iyo in loo sameeyo goobo waxbarasho iyo caafimaad. Waxay xukuumaddani ku jirtaa dadaalkii loogu heli lahaa waxyaabahaas oo dhan,” ayuu hadalkiisa raaciyay C/weli Sheekh.
Ugu dambayn, ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay kuwa weli u ooman inay barakiciyaan shacabka Soomaaliyeed inay ka waantoobaan, isagoo intaas ku daray in lala xisaabtamayo dadka caadeystay barakicinta dadka Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed inay ka haraan tahriibka ay ku halligayaan naftooda, taas bedelkeedana ay ka qayb-qaataan dib-u-dhiska iyo xasilinta dalkooda.
Ceegaag Online
Figradihiina