Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo difaacay go’aanadi ka soo baxay Madasha Wadatashiga Qaran

Janaayo 30 (Ceegaag)— Kadib marki uu qaadacay maamulka Puntland go,aanki kasoo baxay shirki madasha wadatashiga qaran ee ahaa in habka lagu soo dhisayo dowlada soo aadan ee Soomaaliya sanadkan 2016 noqon doono nidaamka 4.5, ayaa marki ugu horeeysay waxaa arrintaasi difaacay Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid.
Wareysi uu siiyey Laanta Af Soomaaliga ee VOA, ayuu Md. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ku sheegay in marki ay dhan walba ka eegeen xaaladda uu hadda dalku marayo ay go,aansadeen in ay raacaan habka 4.5 oo lagu soo dhisi doono awood qeybsiga baarlamaanka, halka aqalka sare uu noqon doono mid loo qeybin doono maamul goboleedyada.
“Waxaan anaga ka dowlad dhexe ahaan is tusnay in hadii maamul lagu saleeyo awood qeybsiga dowlada soo aadan ay keeni doonto xasilooni darro hor leh, ma dooneyno in dalka aan ka dhigno sida Ciraq ama Afghanstan, sababta ugu weyn ayaa ah in aysan jirin wax tira koob ah oo laga sameyey dalka.” ayuu yiri Ra’isulwasaaraha.
Mar wax laga weydiyey qaadacaada Puntland ay ku diiday natiijada go,aanki shirka wadatashiga ayuu ku sheegay in ay muhiim tahay in aanan la horseedin xasilooni darro dalka ka dhacdo xilligaana aysan muhiim aheyn in dalka awooda lagu qeybsado deegaan.
Ugu danbeynti Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, wuxuu sheegay in dhamaadka bisha soo aadan ee Febraayo shir ka dhici doona magaalada Istanbul lagu dhameystiri doono waxyaabaha qabyada ah ee ka dhiman geedi socodka nabada iyo qaabka doorashooyinka loo wajahayo sanadkaan.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply