Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 22 (Ceegaag)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Wasiiro, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay xoojin u yihiin wafdigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo maalmahan ku sugnaa magaalada Beledweyn, iyadoo wada hadalo aanu wax natiijo ah wali laga gaarin uu la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu la kulmo duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan, isagoo kala hadli doona sidii loo ambaqaadi lahaa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo wali hakad ku jira.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doona Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Odayaal dhaqameedyo uu hogaaminayay Iimaam Maxamed Yuusuf Cali oo maalin ka hor gaaray magaalada Beledweyn.
Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooda uu yahay sidii odayaasha dhaqanka ula kulmi lahaayeen, isla markaana dib loo bilaabi lahaa shirkii Maamul u sameynta labada gobol, sidoo kale waxaa uu xusay in safarkooda uu qeyb ka yahay sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladaha abaaraha iyo biyo yarida ka jirta Gobolka Hiiraan.
Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa wali ku adkeysanaya in aanay ka qeyb galeyn shirka Jowhar, iyagoo wata shuruudooyin, lama oga sida uu Ra’iisul Wasaaraha ugu guuleysan karo in Odayaasha dhaqanka uu ku qanciyo ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Labada Gobol.
Ceegaag.com
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii dib loogu ambaqaadi lahaa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo aanan la isla meel dhigan qodobo adag oo ku hor-gudban habsami u socodka shirkaas, kaasoo ay wataan odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan.
Figradihiina