Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Aniga oo og: Raysalwasaare Xasan Cali Khayre
? In waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed.
? In xitaa aanay ajandaha ku jirin
? in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka
Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed, mid dhaqaale, amni iyo bulsho.
Kheyre oo goordhow warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa caddeeyay inuu baneeyay xilka uuna u mahad celinayo Xukuumaddii la soo shaqeeysay mudada saddexda sano iyo barka aheyd ee la soo dhaafay.
“Waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilkii ummadda Soomaaliyeed u hayay” ayuu yiri khayre.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee baarlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in baarlamaanka uu maanta kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Khayre.
ceegaag.com
Figradihiina