Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa maamul kaga dhawaaqay Gobolka Gedo maamulkan oo uu sheegay inuu uga gol leeyahay inuu kaga hor tago maamul ladoonayo in lagu yagleelo dawlad goboleed ay doonayaan inay samaystaan dadka ku dhaqan Jubooyinka iyo Gado.
Raysalwasaaraha ayaa si degdeg ah ugu magacaabay Gudoomiye amrayna inuu garabeesto kooxda Ahlu Suna kana hor tago maamulka Jubaland, wararka nagasoo gaadhaya Gobolka gado ayaa sheegaya inuu Raysalwasaaruhu ku calaacalay dadyowga gobolkaa una sheegay hadii aan laga takhalusin yagleelida Jubaland oo ay hoosta ka riixayaan qawmiyada Daaroodku inuu jagadiisa raysalwasarenimo ku waayayo.
Sikastaba ha u dhacdee Kismaayo ayaa loo wadaa inay Caasimad u noqoto dadyaw badan oo horay uga soo barakacay Hargaysa iyo Muqdisho haatana ku dhaqan dunida daafaheeda doonayana inay dalkooda ku guryo noqdaan dadkan oo iska diiday inay dib ugu laabtaan deegaanadii ay hore ugu dhaqnaan jireen, wixii warar ah ee kasoo siyaada siyaasada guracan ee raysalwasaare Saacid kala soco Ceegaag.com
Figradihiina