Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Bashiir Xaaji Cali oo isku sharaxaya jagada madaxwayne nimo ee Soomaaliya ayaa waxa uu helayaa taageeradii ugu badnayd ee uu musharax u taagan jagadaa abdid ka helo shacabka Soomaaliyeed hadaba nala daawo Rashiid diiriye oo ka hadlaya taageerada musharax Bashiir Xaaji Cali.
‘Magaalada Muqdisho waxaa siwayn looga dareemayaa Ololaha Doorashada dalka, Waxaana kusoo Qulqulaya Musharixiin kala duwan.
Loolanka Doorashada Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxaa kusoo Biiray Aqoonyahan Bashiir Xaaji Cali (Jamaal) oo ah Siyaasi Aqoon durugsan u leh Xaalada dalka, Islamarkaana Muddo ku noolaa dalka Canada, Islamarkaana dalka Fuliyey Mashaariic kala duwan.
Musharax Jamaal Inuu ku dhowaaqo inuu isku sharaxay Madaxwaynaha Soomaaliya, Waxay Xiiso u yeeshay Doorashada, waana Siyaasi kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, Gaar ahaan Deegaanada SSC (Khaatumo).
Waa aqoonyahan aragti fog oo yimid wakhti umada Soomaaliyeed isbadal, xasilooni siyaasadeed iyo mid amniba ay baahi uqabto. Waa musharax ku kalsoon Soomaalinimadiisa iyo dalkiisa, kana fog u adeegida danaha shisheeyuhu ka leeyihiin dalka.
Waa xeeldheere ku takhasusey cilmiga siyaasada xogagaalna u ah hirdanka siyaasadeed, dhaqandhaqaale, iyo mid amni ee maanta kataagan mandaqada geeska Africa.
Waxa uu 25 kii sano ee udanbeeyey kashaqeynayey u adeegida shacabka Soomaaliyeed dal iyo debedba isaga madax ka ah hay’ada Somali-Canadian Education and Rural Development Organization (SCERDO) taas waxtar lataaban karo kageysatey guud ahaa soomaaliya.
Jamaal X. Cali waxaa si gaara loogu xasuustaa wax kaqabadkiisa sidii nafhurnimada laheyd ee uu garab istaagey shacabka Soomaaliyeed markii macaluusha baahsan ay ku dhefatey dalka sanadii 2011 maskaas oo booqdey gooba badan isagoo gargaar isaga iyo dadka Soomaliyeed ku tabaruceen kaqeybiyey goobihii abaartu sida xun u saameysay.
Rashiid Diiriye Faarax oo kamid Waxgaradka deegaanada Khaatumo ayaa siwayn usoo dhoweeyay Go’aanka uu Qaatay Aqoonyahan Jamaal Xaaji Cali, Wuxuuna ka dhalay Waxay ka dhigan tahay inuu isku sharaxo Madaxwaynaha Qaranka.’ Kalshaale.com
Ceegaag.com
Figradihiina