Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Raysal’wasaaraha Soomaaliya Saacid oo ka soo horjeestey yagleelida caasimada 3aad ee Soomaaliya ‘Kismaayo’

Soomaaliya ayaa waxa ay yeelatay labo caasimadood oo kala noqday Muqdisho iyo Hargaysa kadib dib usoo noqashadii qaranimada Soomaaliya ayaa waxaa hada lagu guda jiraa yagleelida Caasimad Sadexaad  taasoo keenasa in Qabaa’ilada waawayn ee dalku kala yeeshaan Caasimado ku tartama xaga horumarka.

Raysalwasaaraha soomaaliya oo aan wali ku baraarugin geedi socodka siyaasada ee dalku marayo ayaa si cad uga hor yimid yagleelida caasimadeed ee magaalada Kismaayo taasoo meesha kasaari doonta waxa loogu yeedhay Federal ama dawlad Goboleedyo sida Sland, Pland, Galmudug iyo Khaatumo iyo wixii lamida.

Soomaaliya ayaa haatan u ruqaansatay inay yeelato dawlad dhexe oo xoogbadan balse dadku yeeshaan caasimado ay ka hirgashadaan sida ay u doonayaan inay u noolaadaan. Yagleelida Caasimadeed ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa dabada ka riixaya Qurbajoogta horay ugu soo qaxay 1990kii kuwaasoo taariikh lama ilaawaan ah kala kulmay Caasimada Muqdisho doonayna inay dib ugu noqdaan dalkoodii hooyo Soomaaliya.  Dadkan ayaa hada raadinaya meel ay uga magaaleestaan Caasimadaha Hargaysa iyo Muqdisho….

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag