Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Raysalwasaare Saacid oo sheegay in Soocelinta nidaamka iyo Kala danbaynta Dawladnimo ay xukuumadiisu muhiimada koowaad siinaso

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in xukuumaddiisa ay muhiimadda koowaad siin doonto dib u xoreynta dalka iyo sugidda ammaanka, wuxuuna intaas ku daray inay ka go’an tahay in dhammaan howlaha horyaalla ay ku dhameystiraan muddada ay haystaan.

Raisalwasaare Saacid ayaa farta ku goday isagoo tilmaamaya “Xukuumadda aan hoggaaminayo waxay xoogga saaraysaa in dalka la xoreeyo isla markaana la sugno ammaanka,” ayuu yiri Saacid oo wargeysi gaar ah siinayay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed SNTV. Isagoo intaas ku daray inay ka go’an tahay inay dalka gaarsiiyaan in shacabku ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd.

Mr. Saacid ayaa sidoo kale, sheegay inay ka shaqeyn doonto xukuumaddiisa in dhaqaalaha dalka dib loosoo nooleeyo laguna sameeyo dalka dib u dhis buuxda inta ay iyagu xilka hayaan, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay ka rajeynayaan inay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadkooda.

Sidoo kale, mar uu ka hadlay waxay ka qabanayaan xiriirka Soomaaliya iyo dunida inteeda kale u dhexeeya ayuu sheegay inay ka go’an tahay inay hagaajiyaan, oo ay dalalka dunida kula dhaqmaan wanaag iyo sharaf, balse wuxuu sheegay inaysan ka ogolaan doonin in faragelin lagu sameeyo arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Xukuumadda uu soo dhisay ra’iisul wasaare Saacid ayaa waxay ka kooban tahay 10 wasiir, taasoo laba ka mid ah ay yihiin haween, waxaana xukuumaddan ay noqonaysaa tii ugu yarayd ee Soomaaliya ay yeelato muddo ka badan afartan sano.

ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkiisa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in la horgeeyo xukuumadda cusub ee Soomaaliya baarlamaanka si codka kalsoonida ah loogu qaado, iyadoo ay jireen maalmahan dibadbaxyo looga codsanayay mudanayaasha baarlamaanka inay kasloonida siiyaan xukuumadda cusub.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag