Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Reer Garbahaarey oo ka shiraya Aayaha Gobolkooda iyo waftigii ugu horeeyay oo gaadhay

Magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo waxaa maanta gaaray wafdi ka kooban salaadiin iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka, kuwaas oo ka qeyb galaya shirweyne wadatashi ah oo yeelanayaan bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.

Garoonka Diyaaradaha ee degmada Garbahaarey waxaa kusoo dhaweeyay dadweyne farabadan oo ruxayay calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya kuna dhawaaqayay erayo lagu muujinayo taageerada ay u hayaan shirkan.

Wafdiga ayaa kormeer ku tagay goobo muhiim ah oo ku yaala magaalada Garbahaarey, waxaya sidoo kale booqdeen Garoonka weyn ee degmada oo ku socdaan  howlo shaqo, waxana ay baaq u direen dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Qurbajoogta iyo ganacsatada kasoo jeeda gobolka Gedo.

Cabdi Xasan (Fanax) oo kamid ah wafdiga maanta gaaray magaalada Garbahaareey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ujeedka ay usoo gaareen gobolka in uu yahay dadka gobolkan in ay wadatashi guud ka yeeshaan xaaladaha, dhaqanka, Siyaasada, iyo abaaraha ka jira gobolka Gedo.

“Waxaanu ahayn wafdi horudhac u ah shirweyne wadatashi ah oo ka furmaya magaaladan Garbahaareey, shirkan waxanu uga tashanaynaa aayaha deegaankeena, waxana isugu imaanaya guud ahaan inta ay ka go’do tallada gobolkan, waxyaabaha aanu ka hadlaynana waa Abaaraha, Siyaasada, iyo dhaqanka gobolkan sidii ay wadatashi u yeelan lahaayeen arrimahan” ayuu yiri Fanax.

Dhanka kale maalinta bari ah waxaa soo gaari doona magaalada Garbahaarey wafdi kale oo ka imaanaya dalalka dariska iyo gudaha dalka, waxana shirkani la filayaa inuu si rasmi ah u furmo maalinta Sabtida ah.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply