Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

RW Cumar Cabdirashiid Oo Hor Tegaya Baarlamaanka Maalinta Beri

Gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka ayaa go’aamiyay in Sabtida Berri ah uu Baarlamaanka Somalia hor-yimaado RW Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake si uu u dhameystiro Qorsho howleedka ay xukuumaddiisu ku shaqeynayso, kaasoo horay qabyo u ahaa.

Mudane Daahir Amiin Jeesow oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Somalia, goob-joogna ka ahaa kulanka guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in guddiyadu ay isla go’aamiyeen inuu RW Cumar horyimaado Baarlamaanka.

“Waxay maalmahan guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka wadatashiyo ka lahaayeen howlaha horyaalla Baarlamaanka Somalia Kal-fadhigaan lixaad, iyagoo go’aamiyeen inuu RW Sharma’arke hor-yimaado golaha Baarlamaanka si uu u dhameystiro wixii ka harsanaa qorshaha shaqo ee xukuumaddiisa,” ayuu yiri xildhibaan Jeesow.

Sidoo kale, Xidhibaanka ayaa sheegay in kal-fadhigii midkan ka horreeyay dib loo dhigay qorshayaasha xukuumadda ee ra’iisul wasaaruhu uu golaha horkeenay, marka laga doonayo inuu hadda dhameystiro.

“Ajandayaasha baarlamaanka horyaalla berri oo Sabti ah way fara badan yihiin, halkaanna kama oran karo kow iyo laba, balse waxaa ka mid ahaa kuwa ugu muhiimsan in RW loo yeero,” ayuu hadalkiisa ku daray Jeesow.

Xildhibaanka oo sii hadalayay ayaa intaas ku daray in sidoo kale arrimaha kulanka berri ay xildhibaannadu ka hadli doonaan uu ka mid yahay mooshin Baarlamaanka Jubbaland laga keenay, kaasoo uu xusay in loo qaybin doono xildhibaannada.

Inkastoo guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee Baarlamaanka Somalia uu hadalkan warbaahinta siiyay haddana ma jiro war rasmi oo arrintan ku saabsan oo kasoo baxay Baarlamaanka.

Ugu dambeyn, xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia ayaanay jirin isagana wax war ah oo ku saabsan arrintan ku oo kasoo baxay, laakiinse waxaa la sugayaa inuu Ra’iisul Wasaaruhu hor-tago kulanka berri ee baarlamaanka iyo in kale.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply