Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
R/wasaaraha dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta kulan la qaatay R/wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bakir Boztag oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Kulanka oo la qaatay R/wasaare Saacid R/wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bakiir ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirrada Soomaaliya iyo wafdigii la socday R/wasaare ku xigeenka Turkiga oo uu ka mid ahaa wasiir hormarinta Turkiga.
Markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadlay R/wasaare Saacid waxa uuna sheegay in kulankooda looga hadlay cilaaqadka cusub oo ay dowladda Turkiga la yeelato dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo sidii loo hormarin lahaa dadaalka ay Turkiga ugu jirto wax ka qabashada xaaladda dalka Soomaaliya.
Bakir Boztag R/wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa tilmaamay in imaashahiisa uu uga gol lahaa sidii uu ugu guurgalayo sida ay u socdaan adeegyada hormarineed oo ay dowladiisa ka wada Soomaaliya iyo sidii ay mas’uuliyiinta dowladda federaalka uga wada hadli lahaayeen xoojin xiriirka labada dowladooda.
Dowladda Turkiga ayaa dalkeena ka wado mashaariico horumarineed oo aad u badan waxaa dalka Turkiga wax ka barta arday Soomaaliyeed oo aad u badan kuwaas oo ay ugu yaboohday deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah, waxaana dalka Turkiga uu yahay dalkii ugu horeeyay oo ka tirsan wada Yurub oo safaarada ka furto magaalada Muqdisho iyagoo diyaaradaha Turkiga ay bilaabeen duulimaad.
Figradihiina