Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

R/wasaare Saacid oo kormeeray xarumaha ciidanka ee magaalada Muqdisho

Kormeerka Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golaha wasiirradiisa ay maanta ku soo kala bixiyeen xarumaha ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxaana ugu horeyn ay ka billaabeen xarunta wasaaradda Gaashaandhigga oo ku taalla degmada Dayniile, Ra’iisul wasaaraha iyo madaxa kale ee la socotay markii ay gaareen W/Gaashaandhigga waxa ay saalaan ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo dalka Uganda dhawaan ka soo laabtay kaddib Tababar ay muddo halkaasi ku soo qaadaneen.

Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya S/Guuto Daahir Aadan Cilmi ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka Gaashaandhigga war-bixin ka siiyzy xaaladda guud ee ciidammada, isagoo sheegay in ciidammadan ay   qeyb ka yihiin qeybbaha ciidammada Xoogga ee loo diyaariyey dib u dhiskooda.

Sidoo kale wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji “Fiqi” ayaa tilmaamay in ciidammadan in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka qaranka ee Difaaca dalka iyo dadka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay si dhab ah uga diyaar garobaan la dagaallanka argagixisada, dowladda Soomaaliyana ay ku dadaalleyso.

Intaasi kuma ekaan kormeerka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxa uu kormee ku tagay iyadoo ay wehliyaan wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Gaashaandhigga, wasiir ku xiggeennada Warfaafinta taliyeyaasha ciidammada Qalabka Sida, xarunta dugsiga tababarka akadeemiyada General Kaahiye ee magaalada Muqdisho oo ay ku sugnaayeen ku dhawaad kun Askari oo qeybaha ciidammada Qalabka sida isugu jira, kuwaas oo loo diyaariyey xasilinta amniga caasimadda dalkeena ee Muqdisho.

Waxaana halkaasi Musiga Guubaadaba iyo heeso ku soo bandhiggay Bahda Musiga Booliska Soomaaliyeed iyo kooxda Fanaanninta Heegan, taliyaha ciidammada Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif Sheekhunaa Mayee ayaa ka war-bixiyey ciidammada, waxa uuna sheegay in si rasmi ah ugu diyaar garoobeen howlgalka caasimadda laga fulinayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ciidammada Ra’iisul wasaaraha hortiisa ay ka ballan qaadayaan fulinta waajibaadka qaranka iyo ka mira-dhalinta howlgalka xasilinta amniga Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ciidammada Birmadka ee sida gaarka ah uga shaqeyn doona ammaanka kula dardaarmay in dalkooda ay ugu faa’ideeyaan wixii ay barteen, isagoo tilmaamay in dowladduna ay garowsan tahay bixinta xaquuqda ciidammada qaranka, waxa uuna u jeediyey ammaan iyo boggaadin.

Sidoo kale kormeerka oo dheeraa ayuu Ra’iisal wasaaraha dalka ku iyo xubnaha golahiisa wasiirrada waxa ay ku tageen xero ay ku jiraan labada kun oo ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya ka tirsan, isla markaana uu tababar muddo afar billood soconaya ku qaadanaya sida uu sheegay taliyaha ciidammada Xoogga, waxeyna xeradaasi ay ku taalla dhinac galbeed ee magaalada  Muqdisho.

Cutubto ka tirsan Xoogga dalka ayaana xerada uu Ra’iisul wasaaruhu kormeeray ku soo bandhigay Gaadda kacayaar iyo sidoo kale salaam sharaf ay siiyeen Ra’iisul wasaaraha iyo masuuliyiintii la socotay.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaana sidoo kale guubaabo iyo hambalyo u jeediyey qeybta koobaad ee dib u dhiska ciidamamda Xoogga, isagoo intaa raaciyey in ciidammadaasi ay mudan yihiin ammaan gaar, maadaama ay ka soo baxeen sharuudihii looga baahnaa.

Waxa uu kormeerray Ra’iisal wasaaraha isla maanta xarunta gobolka Banaadir, markii uu halkaasi gaarayna waxa uu soo indha indheeyey Gaadiidka gurmadka sida Ambalaska iyo Dabdamiska loogu talagay in gobolka ay ka howlgalaan, waxaana war-bixinnada diyaarinta qalabkaasi siiyey Ra’iisul wasaaraha guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo wasiirradii la socotay ayaa kormeerkooda ku soo gabagabeeyey xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu diyaariyey gaadiidka ciidammada Birbad ee Oto-ota.

 

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mobile +252615536608

Mogadishu, Somalia

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag