Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
R/wasaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in dadka Soomalida ah ee ku nool magaalada Nairobi si deg deg ah loogu celin doono dalkooda maadama ay xor yihiin gobolada dalka , isagoo u saaray guddi ka shaqeeya dib u celintooda.
R/wasaaraha dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya dib loogu celindoono dalkooda Soomaaliya, maadaama sida uu sheegay ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay nabadgelyo ka dhigeen dalka Soomaaliya.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in waxa ka dhacaya Islii aan loo dulqaadan Karin, sidaasi darteedna ay xukuumadiisu qaadeyso talaabooyin dib loogu celinayo dadka Soomaalida ah ee bilaa sharciga ah.
Hadalka ka soo yeeray R/wasaaraha Kenya ayaa u muuqda in uu meesha ka saaray go’aankii dowlada Kenya ee ku aadanaa in Soomaalida qaxootiga ah ee ku nool Nairobi loo celindoono xeryaha qaxootiga. Balse Soomaalida ku nool Kenya ayaa u badan kuwo si sharcidaro ah u sheegtay inay ku dhasheen dhulka NFD sidaa awgeedna ay Kiinyaati yihiin.
Figradihiina