Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Safaarada Ingiriiska oo Muqdisho dib looga Furay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiiq Maxamuud  ayaa maanta magaalada Muqdisho kulmay  Wefdi ka socda dowladda Ingiriiska uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi iyagoo si wadajir ah u dhagax dhigay safaaradda dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

Munaasabad lagu dhagax dhigayay safaaradda dowladda Britain ay ka furatay Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dalka, xubno ka tirsan golaha wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Shiiq Maxamuud oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in furashada safaaradda Ingiriiska ay tahay mid muujineysa in uu amaan ka jiro caasimada dalka ee Muqdisho.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibada dalka Britain William Hag waxa uuna sheegay in dowladiisa ay farxad u tahay 22 sano ka dib furashada safaaradoodi ay ku laheyd Soomaaliya.

Furashada safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa waxa ay tahay mid meesha ka saareyso Qatar amaan xusmo oo ay dowladda Britain uga digi jirtay muwaadiniinta u dhalatay dalkaasi ee ku sugan Muqdisho.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag