Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar oo manta lagu aasay Muqdisho

Muqdisho. Nov 26, 2015 (Ceegaag) Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta Allaha u naxariistee Dr. C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad siday Meydkiisa ay saaka ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Salaada Janaasada ee Meydka Safiirkii hore ee Masar u fadhiyay ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiiro, xildhibaano iyo ehelada marxuumka.

Aaska ayaa ka dhacay qabuuraha Isbitaal Madiina ayaa waxaa ka qeyb galay, Guddoomiyaha Gobolka Wasiiro, Xildhibaano, wafdi ka socday Jubbaland, waxaana ay ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa nin wax weyn ka soo qabtay siyaasada arrimaha dibadda.

Allaha u naxariistee Danjire C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa ahaa safiirkii mudada dheer u fadhiyay Soomaaliya dalkaMasar iyo Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Safiirka, waxaana uu ku tilmaamay in qeyb weyn uu ka soo qaatay diblomaasiyada Soomaaliya.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply