Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Salaad Cali Jeele “Sida hadda muuqata Madaxdeena waxay qorsheynayaan inay soo celiyaan 4.5 wax la aqbali karana maaha”

October 22, (Ceegaag)– Salaad Cali Jeele oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaliyeed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay nooca Doorasho oo la filayo in dalkaa ay ka dhacdo 2016-ka,si loogu gubdo sidii loo soo doortay Dowladda hadda Jirta.
Salaad Cali Jeele oo maanta la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in dalka uu qaatay Nidaamka Federalism-ka, wixii ka dambeeyay sanadkii 2012-kana uu dalku ka baxay habkii ku meel gaarka ahaa “Dastuurkeena waxaa ku cad in Federaal la qaatay wixii ka dambeeyay sanadkii 2012-ka laga baxay xilligii ku meel gaarka ahaa,Dalkana yeeshay Dowlad rasmi oo Caalamka Aqoonsanyahay,Dalkana loo, igmaday inay gaarsiiso Doorasho Qof iyo Cod ah” ayuu yiri Salaad Cali.
Mar uu ka hadlay Nidaamka 4.5 oo Somalida ku qeybsato dhammaan awoodaha Dalka waxa uu sheegay “Sida hadda muuqata Madaxdeena waxay qorsheynayan inay soo celiyan 4.5, wax la aqbali karana maaha in dalka dib loogu celiyo 4.5. Arrintaas marnaba maaha wax la aqbali karo,Dowladda waxay rabtaa inay dib ugu noqoto wixii laga soo gudbay ee ahaa in Xildhibaanada ay soo xulaan Odayaasha Dhaqanka. Xildhibaanadana ay markaasi soo doortaan Madaxda Qaranka, si ay u dhahaan suurtagal maaha in doorasho kale ay dalka ka dhacdo. Madaxda waxay rabaan inay markale soo laabtaan”
Siyaasiyiinta Somaliya ayaa si weyn shaki ugu qaba in Dowladda Somaliya ay wado qorshe ay dooneyso in dalka ay ku celiso Nidaam laga soo gudbay,waxa ayna ku guuldareeysatay in dalka ay gaarsiiyo Doorasho Qof iyo Cod ah.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply