Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Hotelka Cambiski ee ku yaala magaalada Caasimadda u ah Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti waxaa saakay si rasmi ah uga furmay Munaasabaddo iyo Shirar ballaaran oo si heer sare ah loosoo agaasimay kuwaasi oo lagu maamuusayo sanad guuradii 40aad ee kasoo wareegatay qorista farta Soomaaliga ah.
Qaban qaabada Munaasabadaha iyo shirarkan waa kuwo aad u sareeya waxaana soo qaban qaabiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayadoo furitaanka Munaasabaddana uu ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxda kale ee Munaasabadda kasoo qeybgalay furitaankeeda waxaa ka mid ah Madaxweynaha maamulka walaalaha Waqooyi Galbeed Soomaaliya ee Somaliland ayadoo sidoo kalena lagu marti qaaday munaasabadahan iyo shirarkaba marti sharaf aad u farabadan.
Ka sokoow Madaxda marti sharafta kale ee Munaasabadaha iyo shirarkaba lagu marti qaaday waxa ay u badan yihiin Aqoonyahanno ay qaarkood ka mid ahaayeen dadkii wax ka qoray farta Soomaaliga iyo sugaanyahanno Soomaaliyeed waloow ay ku jiraan martida aqoonyahanno ajaaniib ah waxaana ka mid ah:-
Pr. Cabdalla Maansuur, Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Dr Maxamad Daahir Afrax, Boobe Yuusuf Ducaale, Pr. Giorgio Banti, Aw-Jaamac Cumar Ciise, Xuseen Sheekh Axmad “Kadare”, Axmad Faarax Cali “Idaajaa”, Dr.Jaamac Muuse Jaamac, Cabdillaahi Sheekh Axmed, Cabdillaahi Macallin “Dhoodaan”, Xasan “Ganey”, Pr. Annarita Puglielli, Xasan Cabdi Madar, Axmed Aw Geeddi, Maryan Caarif, Aamina Muuse Weheliye, Siciid Saalax Axmed, Seynab Daahir, iyo qaar kale oo badan.
Munaasabadda maanta furitaankeeda waxaa laga jeediyey Khudbaddo kala duwan ayadoo Khudbadahaasina nuxurkooda ay u koobnaayeen sidan:-
Ugu horeyn waxaa munaasabadda khudbad ka jeediyey Aadan Xasan Aadan Gudoomiyaha ururka Qalinleyda Soomaaliyeed ee Somali PEN waxaana uu faah faahin ka bixiyey sida uu ururkooda muhiimad u siiyey sare u qaadida farta Soomaaliga mudadii uu dalku ku jiray bur burka.
Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdi Xuseen Axmed oo isaguna Khudbaddii Labaad ka jeediyey Munaasabadda ayaa xusay iney tahay guul aad u weyn in maanta ay munaasabadaha iyo shirarka lagu maamuusayo sanad guuradii 40aad ee kasoo wareegatay qorista farta Soomaaliga ay kasoo qeybgalaan Madaxda iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed oo idil.
Axmed Guure Bisle Wasiirka Dhaqanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo isaguna khudbaddii Seddexaad ka jeediyey Munaasabadda furitaanka ayaa waxa uu tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin in dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia lagu casuumo munaasabadahan iyo shirarkan lagu muujinayo qiimaha farta Soomaaliga islamarkaana ay u dhan yihiin Soomaali oo idil.
Madaxweynaha maamulka Somaliland ee walaalaha Waqooyi Galbeed Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isaguna munaasabadda furitaanka ka jeediyey khudbaddii Afaraad ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida uu isugu howlo adkeynta jiritaanka farta Soomaaliga.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu hormuud ka yahay hirgelinta,dhiiragelinta suugaanta Soomaaliyeed, af-Soomaaliga inta ku hadasha, inta ku gabayda,inta hal abuurka leh iyo dib u dhaqan gelintiisa ayuu aad iyo aad ugu weynyahay, magac iyo maamuusna u leeyahay,qiime iyo sharafna uu hormuud u yahay”ayuu khudbadiisa ku yiri Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna khudbad ka jeediyey furitaanka Munaasabadda maanta ayaa xusay in koritaanka Afka Soomaaliga uu hormuud u yahay hormarka ay umadda hiigsaneyso isagoo intaasina ku daray in uu ka mid ahaa ardaydii loogu diray gobollada Dalka qorista farta Soomaaliga.
“anigu shaqsiyan waxaan ka mid ahaa ardaydii iyo shaqaalihii dalka ee loo diray gobollada Dalka si ay u faafiyaan qorista iyo aqrista ayadoo lala dagaalamayey qoris iyo aqris la’aanta, qiimeyn la sameeyey waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka gaartay ololahaas guushiisa ay gaartay 55% ayadoo kasoo kacday 2%”ayuu ku yiri Khudbadiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida uu af-Soomaaliga isugu howlay isagoo sidoo kalena uu Madaxweynuhu u mahad celiyey dhinacyadii kala duwanaa ee Munaasabadaha iyo shirarka lagu maamusayo sanad guuradii 40aad ee qorista farta Soomaaliga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo isaguna jeediyey Khudbaddii ugu dambeysay ee furitaanka Munaasabadda ayaa sheegay in Tiknolojiyada cusub darteed uu Afsoomaaliga sameeyey hormar sanadihii ugu dambeeyey hase ahaatee loo baahanyahay in saldhig adag loo sameeyo Afka Soomaaliga.
“waxaa loo baahanyahay in loo sameeyo wado afka Soomaaliga si ay jiilka sookoraya ay wax ugu bartaan iyo loo sameeyo Afka Soomaaliga saldhig adag kaasi oo adkeynaya jiritaankiisa” ayuu ku yiri Khudbaddiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Mudane Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa xusay iney tahay lagama maarmaan in la sameeyo qaamuus laga helo Afka Soomaaliga oo idil ee looga hadlo deegaannada kala duwan ee ay Soomaalidu degto loo baahanyahay in qaamuuskaasi la helo.
Qaamuuskan oo uu hindisihiisa iyo maalgelintiisaba lahaa madaxweyne Ismaaciil Cumar waxa wadajir u diyaariyey Machadka Afafka ee Jabuuti iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal’abuurka Soomaaliyeed Somali-speaking PEN Club, oo ka tirsan urur weynaha caalamiga ah ee PEN.
Maalmaha xusku socdo, waxa kale oo jiri doona buugaag cusub oo iyagana halkaa lagu gardaadinayo.Intaa waxa dheer oo barbar soconaya bandhig-suugaaneed ballaadhan.
Aqoonyahannada kasoo qaybgelaya xuska 40 guuraada far soomaalida ayaa iyaguna yeelan doona dood-cilmiyeedyo ku saabsan sidii A-fsoomaaliga iyo fartiisa loo qabyo tirilahaa.
Waxa uu socon doonaa shirkan ballaaran mudo Shan cisho ah ayadoo ka sokoow ka qeybgalayaashu iney ku kulmaan hotelka Cambiski ay sidoo kale ku kulmi doonaan Jaamacadda Jabuuti halkaasi oo ka mid noqon doonta goobaha ay ka qeybgalayaashu wax ku diyaarin doonaan.
Hadaba Afkeenna Hooyo qoristiisa waxaa la bilaabay 1972kii ayadoo dowladii xiligaasi jirtayna ay si fudud dalka oo idil uga taabagelisay balse Munaasabaddaha iyo Shirarka lagu maamuusayo sanad guurada 40aad ee kasoo wareegatay qorista farta Soomaaliga ah ee ka furmay maanta magaalada Jabuuti ayaa waxa ay noqoneysaa markii ugu horeeysay ee sidan oo kale loo maamuuso marka laga eego dhanka kasoo qeybgalka oo lagu tilmaami karo iney Shanta Soomaaliweyn u dhantahay.
Figradihiina