Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

SANADGUURADDA 3AAD EE DHALINTA RAJADA (Jiilul Amal)

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay sanadguurada 3-aad ee kasoo wareegtay maalinta la aas’aasay ururka Dhalinta Rajada Soomaaliyeed (Jiilul Amal), ayaa lagu qabtay hallka weyn ee Alfuraat Hotel ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa kasoo qaybgalay qaar ka mid ah Xildhibaanada dhalinyarada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Marti Ka socotay Ururada Bulshada Rayidka ah, Marti ka kala socotay Jaamacadaha Dalka qaarkood, Gudoomiyayaasha Ururada Dhalinyarada Ee Magaalada Muqdisho, Guddoomiye kuxigeenka Ururka dhalinta Rajada Mudane Cabdifataax Cali Cabdalla, Guddoomiyayaasha Faracyada uu ururku ka kooban yahay ee Gobolka Banaadir iyo xubnaha Faracyada kala duwan ee Ururka Dhalinta Rajada Soomaaliyeed (Jiilul Amal), Abwaanno, Fannaaniin, iyo dhalinyaro farabadan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ugu horeyn, munaasabadda oo kusoo beegantay maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa waxaa khudbad ku aadan maalintaas ka jeediyay DrMohamed-deeq Ibrahim Abdi oo ah aqoonyahan ku takhasusay taariikhda, aqoonyahanku wuxuu ka hadlay qiimaha maalintaan ay leedahay iyo dhibaatooyinkii loo soo maray hindisidda in calan Soomaaliyeed laga taago dhulka Soomaalida.

Waxaa xuska calanka kadib hadalka qaatay Guuddoomiyaha ururka Dhalinta Rajada Soomaaliyeed (Jiilul Amal), Mudane Maxamed Barawaani, Guddoomiyuhu wuxuu guudmar ku sameeyay sababihii keenay in la aas’aaso Ururka, marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, halka maanta uu joogo iyo higsigiisa fog.

“Waxaan tababarnay in kabadan 4000 oo dhalinyaro soomaaliyeed ah, waxaan wacyigalinnay in kabadan 20,000, waxaan dhisnay oo aan faracyo ka furnnay 9 degmo, waxaan ka qeyb qaadanay gurmadkii abaaraha”, ayuu yiri guddoomiyuhu.

Xildhibaan Adam Izak iyo Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim (Qaran Doon) oo labadaba ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa si iskumid ah ugu hambalyeeyay uguna boggaadiyay Ururka howsha ay dhalinyarada u hayaan. Waxayna ku tirtirsiiyeen dhalinyaradii xafladda kasoo qeybgashay inay udiyaar garoobaan la wareegidda hoggaanka dalka, islamarkaasna ay la xisaabtamaan daka ay u doorteen inay ku matalaan siyaasadda dalka.

Geesta kale, Waxaa munaasabadda hadallo Hambalyo, dhiirrigalin iyo guubaabo isugu jiray kasoo kala jeediyay: Ustaad Adam Husein(Mogadishu University) Ustaad #IsmaciilXirsi ( Jaamacadda Somali International University -SIU), Muno Xassan Muna Axlaa (Somali Youth Cluster – Somaliyc) iyo Abdulnasir Ismail Shacab oo ka socday Maamulka Gobolka Benaadir.

Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi farxad iyo raynrayn ah. Ururka Hope Generation waa urur Dhalinyaro, Madaxbannaan, Maxali ah oo u taagan wacyigalinta, waxbaridda, wanaag u horseedka iyo soo celinta rajadii dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana lagu aas’aasay Magaalada Muqdisho sanadkii 2014.

Cabdinaasir Yuusuf Macalim

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply