Saxafiyiinta Buuhoodle oo Canbaareeyey Dilkii Wariyey AXmed Saakin faarax oo Xalay Kooxo Hubaysani Laascaanood ku Dileen
Saxafiyiinta ka Hawlga Magaalada Buuhoodle oo Maanta kulan Balaadhan oo ay isugu yimaadeen Magaalada Buuhoodle ku Canbaareeyey Dilkii Xalay Magaalada Laascaanood loogu Gaystay ilaahay ha u naxariisteen Wariyey Axmed Saakin faarax oo Kooxo Hubaysani ku Dileen Gudaha Magaaladaasi.
Saxafiiyiinta Buuhoodle ayaan Tacsi gaar ah u Diray Eheladii uu ka Geeriyooday Wariyey Axmed Saakin Waxayna ilaahay uga Bariyeen inuu janadii ka waraabiyo Marxuunkaasi Xalay Laascaanood lagu Dilay, ee Gacanta ka xaqdarin dishay.
Saxafiinta Reer Buuhoodle ayaana Sidoo kale Fariin u Diray Maamulka Somaliland inay gacanta ku soo Dhigaan Cidii ka Danbaysay Dilka Wariyahaasi oo ilaa imina aanu Maamulka Gobolka Sool iyo Kan degmadu aanu ka Hadlin Dilka Wariyey Axmed Saakin oo aanay Wax War ah ka soo saarin.
Dhinaca kale Wararka Ceegaag.com ka helayso Magaalada Laascaanood ayaana ku soo Waramaya in Eheladii Marxuunkaasi ay Wadaa Baadhitaan Xoogan oo ku aadan Cida ka danbaysa Dilka Wariyey Axmed Saakin faarax.
Figradihiina