Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Markii aanu lakulanay wakhtiyo kaladuwan ilaa lixdii sanadood ee tagay musharaxan John Connalyoo ah mudane ka tirsan lataliaasha Magaalada siiba kuwa afarta ah ee looga codeeyo magaalada Guud ahaan ayaa waxaa noosoo baxday inaanu si buuxda u taageerno.
Xafladan idiin muuqata ayaa lagu qabtay Juba Restaurant oo jaaliya Afikaanka ee Bariga Afrika oo uu iskusoo duba ridan Gudoomiya ACEDONE Cabdulqaadir Yaasiin ku muujiyeen taageeradooda mushax John Connolly.
Sabahan Awgood.
1. Waxaa uu aad u daneeyaa Waxbarasha Ubadka soo koraya isaga oo ubadka Soomaaliyeed u sameeyay Cutooyin gaara oo xalaala si loo ixtiraamo Caqiidadooda sidoo kale waxa uu kashifay in badan cuntooyinka dhaca oo ilamaha loogu karin jiray Iskuulaadka.
2. Waxaa uu had iyo goor yimaadaa ama xafiiskiisu u furan yahay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Boston.
3. Waxaa uu aad u taageeray curashadii maamul goboleedka Jubaland markii loo sharaxay sababta loo yagleelay.
4. Wuxuu iska diiday lacagta dadka aan daganeen Boston ugu deeqeen isaga oo yidhi ha laygu doorto waxa aan qabtay.
5. Waxa uu qorayaa Soomaali Ciidanka Amaanka(Police)
6. Waxa uu ka shaqaaleenayaa Soomaali xafiiska Duqa Magaalada.
7. Waxa uu shaqaaleenayaa Macalimiin ka dhigta Afka Soomaaliga dugsiyada dadwaynaha.
8. Wuxuu balan qaaday in Baahiyaha xaga Siyaasada ka taageeri doona shacabka Soomaalida oo doonaya inay ka qayb qaataan djinaca Siyaasada 20 sano kadib.
Sidaa awgeed Shabakadan Ceegaag iyo Akhristayaasheeda ku boorinasaa in si buuxda loogu codeeyo John Connolly Talaada Sep 24, 2013.
Eng. Xuseen Fiin
Boston
3 Responses to Shabakada Ceegaag oo si buuxda u taageertay Musharaxnimada duqamagaalada Boston u sharaxan yahay John Connolly