Waxaa uu sheegay in isaga uu ku sugan yahay magaalada Boosaaso, isla markaana qoysas fara badan ay ka soo barakceen deegaanka, kuwaasoo doonyo uga soo baxay.
“Aniga Boosaaso ayaa ku suganahay, wali deegaanka waxaa joogay kooxihii Daacish iyo dad aan badneyn, qoysas badan ayaa ka soo barakacay oo Boosaaso iyo meelo kale gaaray”ayuu yiri Guddoomiyaha Qandala.
Guddoomiyaha Qandala ayaa sheegay in maraakiib dagaal ay ku sugan yihiin xeebta Qandala, ayna la socdaan dhaq dhaqaaqa deegaanka sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada Puntland ayaa la sheegay in aanay wali gaarin deegaanka, waxaana abaabulo ciidan ka socdaan magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe, halkaasoo shirar ay ku lahaayeen Taliyeyaasha ciidamada.
Deegaanka Qandala oo ah deegaan xeebeed istiraatiiji ah ayaa magaalada Boosaaso u jirta illaa 77km, waxaana dagaalyahanada Daacish ee la wareegay deegaanka la sheegay inay u tahay goob muhiim ah oo ay u soo mari karto saanad Milateri oo uga timaado dhinaca Yemen.
Ceegaag.com
Figradihiina