Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dood cilmiyeed looga hadlayay Xaalada dhabta ah ee Warfaafinta Soomaaliya oo lagu qabtay Khartoum

December 5 (Ceegaag)— Dood cilmiyeedkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda Safaaradda uguna horeeyo Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan Ibraahim Guure u qeybsanaha dhanka waxbarashada ee isla Safaaradda Cabduqaadir Guulane gudoomiyaha Jaaliyada reer Sudan Cabdiwali Xasan XuseenFadiilatu gudoomiyaha ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan Cabdirisaaq Burtinle iyo madaxda ururda axzaabta siyaasadeed ee ka jirta Khartuum aqoonyahanada qeebahooda kala duwan.
Dood cilmiyeedkan oo ay soo abaabushay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan gaar ahaan xafiiska warfaafinta ayaa waxa cinwaankeedu ahaa xaalka dhabta ah ee ku sugan tahay Warfaafinta Soomaaliya si guud iyo waxa mustaqbalka laga yaabo in ay hiigsato.
Waxaana dood cilmiyeedaasi soo jeedinayay Cali Xalane oo ah wariyaha BBC-da qeebta afka Carabiga xafiiska Muqdisho iyo Liibaan Cabdi Cali oo isna ka tirsan wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya kuwaa oo marti ku ahaa dalka Suudaan ayaa waxay aad ugu dheeraadeen hormarada kala duwan oo ay gaartay saxaafadda Soomaaliya iyadoo dalku marxalado kala duwan soo maray
Uqeybsanaha warfaafinta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan oo doodcilmiyeedaasi soo agaasimay Fiidow Maxamuud Fiidow ayaa sheegay in saxaafadda Soomaaliyeed ay tahay mid inta badan soomartay heerar kala duwan isagoo xusay in warbaahinta hadii loo adeegsado dhanka wanaaga ah ay tahay mid u horseedi karta bulshada ay warka u tabinayaaan dhan hormareed dhanka kalana sheegay in uu soo dhaweenayo saxafiiyiinta doodaasi martida ku ahayd xafiiska warfaafinta Safaaradda Soomaaliyeedna diyaar layahay in ay qabtaan barnaamijyada noocan oo kale ah
Cali xalane ayaa dhankiisa ku dheeraaday saxaafadda soomaaliya iyo waxyaabihii ay soo qabatay isgaoo sheegay in xiligan soomaaliya inta badan ay ka sii idlaaneeso saxafada dhanka akhriska oo ulajeeday wargaysyada ama jornaalada loona batay dhanka dhagaysiga fmyada ama raadiyaha iyo tvyada maadaama buu yiri aanan joornaalku ama wargaysku awoodin in durba uu gaaro gobolada kala duwan ee soomaaliya maadaama aanu jirin awood buuxda oo dhanka dowladda ah kana doorbideen shacabka idaacadaha ama tvyada in ay dhageestaan ama daawadaaan
Gabagbadii doodaasi ayaa waxaa soo xiray lataliyaha koowaad ee safiirka soomaaliya u fadhiya dalka suudaan ibraahim guure isagoo amaanay xafiiska warfaafinta safaarada soomaaliyeed ee dalka suudaan sida quruxda badan ee uu u soo agaasimay doodan una tacsiyadeeyay allaha u naxariiste axmed xasan cowke oo ahaa saxafi magic iyo maamuusba ku dhax leh bulshada soomaaliyeed meel walboo ay joogto isagoo alle uga baryay in uu alle janadiiisa ugu deeqo.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply