Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, ayaa wuxuu goor dhow uu ka badbaaday isku day lagu doonaayay in lagu dilo.
Gawaari uu Madaxweynuhu la socday oo ku sii jeeday deegaanka Lafoole, kana soo baxay Degmada Afgooye, ayaa waxaa qarax miino lagula eegtay inta u dhaxeyso Carbiska iyo Afgooye
Qaraxa oo ahaa miinada nooca gacanta laga haggo, ayaa waxaa la sheegay inuu haleelay qayb ka mid ah gaarigii uu Madaxweynuhu la socday, isla-markaana uu qaraxaasi ka badbaady.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed, C/qaadir Maxamed Cashar (Nadaara), ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynuhu uu qaraxaasi ka badbaaday, isagoona beeniyay in qaraxu uu haleelay gaarigii uu Madaxweynuhu saarnaa. Laakiin wararka laga helaayo Carbiska waxay sheegayan in qaraxu uu haleelay gaariga.
Afhayeenka, ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynuhu uu xilligan mashquulsan yahay, balse saacadaha soo socdo uu dadka kala hadli doono Warbaahinta, sida uu yiri.
Waa weerarkii labaad oo muddo laba bil gudahood uu ka badbaado Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Bartamihii bishii March ayay ahayd markii weerar lagu qaaday Madaxtooyada Baydhabo uu ka badbaaday.
Ceegaag.com
Figradihiina