Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha maamulka kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Adam ayaa ka badbaadey, qarax miino oo lala eegtey kolonyo gawaari ah oo uu la socdey.
Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa degmada Afgooye iyo Carbiska, waxaana qaraxu qabsadey mid kamid ah gawaaridii la socotey Shariif Xasan Shiikh Adam, inkasta oo aan la sheegin khasaare nafeed oo dhacdey.
Sida wararka la helaayo sheegayaan qaraxa ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso isla markaana aalad laga hagaayey.
Madaxweynaha maamulka kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa VOA-da uga waramey qaraxa kolonyadiisa lala beegsadey, wuxuu shegey in aysan jirin dhib soo gaartey, isla markaana loo sheegay in qarax dhacay
Ma jirto cid sheegatey in ay qaraxaas ay ka danbeeyeen
Shariif Xasan Shiikh Adam ayaa ahaa Xildhiban ka tirsanaan jirey Baarlamaanka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2000, Waxaana uu muddo laba jeer ah soo noqdey Guddoomiyaha Baarlamaanadii kumeel-gaarka ahaa ee Soomaaliya. Bishii Nofeember 2014 ayaa loo doortey in uu noqdo Madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban gobolada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.
Ceegaag.com
Figradihiina