Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Dowlada Goboleedka Khaatumo Shirkii Wada Tashiga Balicad
Balicad: September 24, 2016 oo ah maalintii uu furmay shirku waxay soobandhigtay dowladu waxaqabadkeedii taasi oo shacabka khaatumo ay u riyaqeen waxay madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanku si qoto dheer uga warbixiyeen ujeedooyinka shirka iyo hawlaha hada ina horyaala qodobada shirku waa kuwan hoos ku qoran.
1} Iswaraysi: Sidii aynu horayba usoo sheegnay dowladu waxay kawar bixisay waxqabadkeedii intii talada ay haysay shacabka khaatumona waxay soodhaweeyeen wax qabadka dowlada.
2} Midayn: Waxaa dowlada iyo shicibkuba isla qateen in ay muqdistahay midnimada umada khaatumo taas oo ah sidaynu himilooyinkeena ku gaadhi lahayn.
3} Wacyigalin: Waxaa shirku isku afgartay in la wacyi galiyo umada kunool deeganada SSC {khaatumo} madaama ay ku dhacday dhibaatooyin baaxad weyn intii dowladii dhexe Ee Soomaliya Meesha Kbaxday taasi oo sababtay horumar la,aan saamaysayna dhanka siyaasada dhaqaalaha iyo arimaha bulshada.
4} Talooyin: Ergada shirka wada tashiga balicad waxay si buuxda utaageereen wada hadalada dowlada khaatumoo iyo soomaliland waxaana laysku raacay in dowlada khaatumo ay umadaxbanaan tahay wixii siyaasad ah sida ku cad dastuurka dowlada.
5} Ciidanka Khaatumo: Waxaa laysla qaatay dowlada iyo shicibkuba inla tayeeyo dhamaan ciidamada khaatumo qaybahooda kala duwan.
6} Maamul Fidin iyo Tayan: Waxaa laysla afgartay in la tayeeyo dibu habayna lagu sameeyo maamulka gobolada iyo degmooyinka in deegaan kastaaba samaysto maamul sida golayaal deegaan.
7} Dib u dhis iyo Horumarin: Waxaa laysla qaatay in umada reer khaatumo isku tashato ayna katashadaan aayahooda waxaana laysla qaatay in aynu dhisanao dalkeena aynuna ilaalino deegaankeena.
. In aynu ku dhiirano maal gashiga dhulkeena
. In Aynu tayayno xoolaheena iyo beeraheena
. In Labuuro ilo dhaqaale
. In aynu soo dhaweyno cidii maal gashanaysa dhulkeena
. In Aynu ilaashano khayraadka dibiiciga ah Ee dhulkeena kujra
.In laga hortago waxkasta oo dhibaataynaya Degaanadeena Sida Gubida dhuxusha ,Laynta Ugaadha ama duurjoogta iyo deegaamaynta faraha badan ee meelo cusub la abuurayo
8} Talo Soo jeedinta Ergooyinka: Intii uu shirku socday waxay ergooyinku hoosta ka xariiqeen soona jeediyeen in la uruuriyo golaha cuqaasha khaatuumo Lana mideeyo islamarkaana la,asaaso xafiis golaha cuqaashu leeyihiin
Shirgaaraa oo ay cuqaashu isugu baxday kana tashadeen waxay soosareen qodobadan hoos ku qoran.
1. In Latageero shirka wadahadalka khaatumo iyo soomaliland.
2. In ladhiiri galiyo maamul fidinta Iyo Tayaynta Ciidanka Khaatumo.
3. In Cuqaashu Yeelato Shir 30 Octobar 2016.
4. Waxay cuqaashu kubaaqaday shir deg deg ah oo ay yeeshaan ISIMADA IYO CUQAASHU Wakhtigana dibloosheegidoona iyo meesha shirku kadhicidoono hadii alle idmo.
Allaa Mahadleh.
Figradihiina