Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shikii beesha Cali Gari uga socday Buuhoodle oo lasoo afmeeray daawo qodabadii beeshu isku afgaratay

     (Caaqil Cali Cabdi Cali O akhrinaya Go’aamadii Tawfiif2 ee Buuhoodle)
Shirwaynihii Beesha Cali Axmed( Cali Gari) ayaa Magaalada Buuhoodle gaar ahaan Baliga Buuhoodle Saaka Lagu soo gabo Gabeeyey Waxaana laga soo Saaray Go’aamo Tiradoodu gaadhayso ugu yaraan 11 Qodob oo afar kamid ahi ay ahaayeen Baaq Nabadeed Halka ay inta kale ahaayeen Go’aamadiii shirkaasi laga soo saaray.
Go’aamadaasi Ayaana Waxaa Warbaahinta u akhriyey Caaqil Cali Cabdi Cali Waxaana Kamid ahaa Go,aamadaasi Sidan

1. kudhaqanka shareecada islaamka

2.Inay Midowdo Beeshu, Walaalahooda kale ee dega gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn ay yana la ilaaliyaan midnimada.

3.Waxay beeshu sameysatey gole dhaqan oo matala beesha, Golahaasi oo had iyo goor u taagan go’aamada beesha, Aysana metelin xaga siyaasada iyo dhaqankaba cidii ka baxsan go’lahaasi ay beeshu sameysatey.

4.Waxay beeshu go’aansatey amaba ka go’an beesha in aysan wax xidhiidha la yeelan maamulka Somaliland iyo wixii la socdaba.

(B) Ina qof kasta oo inaga mid ah ama ka soo jeeda deegaanadeena oo inagu soo duula amaba soo raaca cadow shisheeye”Maamulka Hargeisa” in dhiigiisu Xalaal Yahay isla markaana ay beeshu xabad kala hortagi karto,Oo aan waxba laga bixin doonin”Mag”.

5.Waxay beeshu cadeyneysaa in ay ka tirsan tahay Dowlada Federal Ka Somalia, Maamul goboleedkeeduna yahay Khaatumo State Of Somalia.

6.Waxay beeshu go’aansatey inay walaalahooda ay deegaan wadaagta yihiin ay nabad gelyo kula noolaadaan, Yaguna ay sidoo kale la qaataan nabad gelyadaas.

7.Waxay beeshu go’aansatey qeybahooda dega gudaha Dowlad Deegaanka Ethiopia in waxgaradkooda iyo madaxdhaqameedubaay si toos ah beeshu ugala shaqeenayaan xaga Horumarka,Nabada iyo Dhaqaalaha ”Dowlad Deegaanka Ethiopia”.


Guud ahaan Go’aamadaasi oo Dhamaystiran Hoos Daawo Warbixintaasi oo Vido ah oo Ceegaag.com idiin soo Diyaarisay Saakay.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag