Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shir lagu qabanqaabinayo xaflad u agaasiman hab heer qaran ah oo ay jaaliyada reer Boston ku muujinayaan taageerada ay u hayaan dawladooda ka hanaqaadasa dalkooda Hooyo Soomaaliya oo ka dhacay Boston. MA ee USA

  1. Dhisida Gudi Hoosaadyada

 

  • Gudiga Wargalinta

Waxaa loo xilsaaray Xasan Warfaa, Cabdiraxmaan  Yuusuf, Maxamed Xabeeb. Shaqadooduna waxay tahay inay dadka ku wacyi galiyaan sababta kaliftay in xafladan jaaliyadu isugu timaado iyaga oo mid- mid u casuumi doona dhamaan  Odoyada Soomaaliyeed ee reer Boston.

  • Gudiga Dhaqaalaha

Waxaa loo xilsaaray Cabdiraxmaan Indho, Garaad Food, Cilmi Muhiyadiin, Maxamed Sh. Daahir (Siyaad).  Gudigan waxay u xilsaaran yihiin inay dhaqaalaha kasoo ururiyaan Jaaliyada iyaga oo Gudida 14 ka raga ah ka qaadaya min $XX.XX halka Jaaliyada dhinaca raga shaqaysta laga rabo inay bixiyaan $XX.XX ber/shaqsi. Halka ay gudigu u madax banaan tahay inay waydiiyaan dhaqaale intii ay isla gartaan milkiilayaasha Ganacsatada ah. Iyo Cummunitty Centerda.

 

  • Gudiga Raashinka

Maadaama ay qaybkamida Jaaliyadu shirka ka maqnayd shirka siiba Dumarka hawshan oo u baahan in loo dhamaado waxaa la go’aamiyay in dib loo dhigo.

 

  • Gudiga Diyaarinta Barkulanka

Waxaa loo xilsaaray Cabdiraxmaan Maxamud, Siciid Axmed, iyo Mahdi Cali. Gudigan shaqadoodu waa inay Soo kireeyaan Goobta diyaariyaana sugitaanka amaanka ee goobta marka ay xafladu socoto.

 

  • Gudiga farshaxanka iyo iskudubaridka Goobta

Gudigan waxaa kamida Xuseen Fiin, Cabdulqaadir Xasan Macalin, iyo Sadiiq Sheekh. Shaqadoodu waa ilaalinta anshaxa goobta xafladu ka dhacaso, Diyaarinta Ajandaha maalinta xaflada iyaga oo xidhiidh la samayndoona gudiyada Haweenka sida IS-JECEL iyo IS-OGOL. Sidoo kale waxay diyaarinayaan dhamaan farshaxanka xaflada mid hido iyo mid astaan qarameedba.

Waxaa maanta kasoo xaadiray shirkii lagu falan qaynayay abaabulka Xaflada lagu doonayo in jaaliyada reer Boston ku muujiyaan farxada iyo taageerada ay u hayaan dawladooda ka hanaqaadasa dhulkoodii Hooye Jaalayaasha kala ah

  1. Xuseen Fiin
  2. Sadaq Sheekh
  3. Cabdiraxmaan Yuusuf
  4. Cilmi Muxiyadiin
  5. Maxamed Sh. Daahir
  6. Cabdiraxmaan Maxamuud
  7. Saciid Axmed
  8. Xasan Warfaa
  9. Mahdi Cali
  10. Maxamed Xabeeb
  11. Cabdiraxmaan Indho
  12. Cabdulqaadir Xasan Macalin

Waxaa iyagu kamaqnaa oo aan soo xaadirin balse kamid ahaa jaalayaashan iyagu iskood isugu xilqaamay inay qaban qaabiyaan xafladan Jaalayaasha kala ah

  1. Garaad Food
  2. Deeq Cabdulaahi Nuure

 

Wabilaahi Tawfiiq

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag