Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xarunta dugsiga tababarka Xalane oo hadda ah taliska dhexe ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayey dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada milateriga dowlada Soomaaliya.
Shirkaasi waxaa ka qeyb galay wasiirka difaaca dowlada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqqi, taliyaha ciidanka ciidamada milateriga dowlada Somalia iyo gudiga farsamada ciidamada oo ka kooban saraakiil ka kala socota QM, dalalka deeqda bixiya.
Waxaa kulankaas ka hadlay wasiirka difaaca dowlada Somalia C/xakiin Xaaji Fiqqi oo ka waramaya guulaha isdaba jooga ah ee ciidamada dowlada ka gaareen dagaalada ay kula jiraan xoogaga Al-shabaab, wuxuuna sheegay in daryeelka ciidanka oo la xoojiyo ay keeneyso guulo dhaxal gal ah oo la gaaro.
Waxaa uu intaa ku daray wasiirku in ciidamada dowlada kaashanaya kuwa AMISOM ay dhowaan xoogaga Al-shabaab ka saari doonaan degaano kooban oo uu sheegay iney ku harsan yihiin si loo soo celiyo nabada, shacabka degaanadaasna looga xoreeyo dhibaatooyinka ay ku hayaan sida uu yiri.
Fiqi ayaa sheegay in loo baahan yahay daryeel fiican in loo sameeyo dagaalyahanada ka soo goosta Al-shabaab si loo dhaqan celiyo isla markaana mustaqbalkooda loo wanaajiyo, maskaxdoodana looga saaro fikrado uu sheegay in lagu marin habaabiyey.
Figradihiina