Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shir looga hadlayo Hiigsiga Somalia ee sannadka 2016-ka oo Maanta ka furmaya Magaalada Jabuuti

December 12 (Ceegaag) — Shirkii Wada-tashi Hiigsiga 2016-ka ayaa la filayaa in maanta uu ka furmo Dalka Jabuuti, iyadoo ay ka Qayb-galayaan xubno ka socda Dowladda Somalia, maamul-goboleedyada iyo bulshada rayidka.
Kulankan ayaa lagu wadaa in looga hadlo qodobbo ay ka mid yihiin; hannaanka federaalka dalka, awood-qeybsiga siyaasadeed iyo wadaagga kheyraadka guud ee Somalia. Sidoo kale ergada ayaa waxay soo bandhigi doonaan qodobbo la doonayo in la is-waafajiyo, kuwaas oo ku saabsan nooca doorashooyinka ka dhici doona dalka marka la gaaro sannadka 2016-ka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale, qodobbada looga doodi doono shirka ayaa waxaa ka mid ah qaabka lagu soo xuli doono xildhibaannada baarlamaanka soo socda ee DF Soomaaliya, iyadoo qodobbada laga soo saaro shirka lagu soo bandhigi doono shirka midkan xiga ee Muqdisho ka dhici doona.
Dhinaca kale, waxaa dib u dhacay shir maanta ka furmi lahaa Muqdisho oo ay isugu imaan lahaayeen madaxda dowladda federaalka, kuwa maamullada ka jira dalka, beesha caalamka iyo ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya.
Illaa hadda lama oga sababta keentay dib u dhaca shirka Muqdisho ka dhici lahaa, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan maamul-goboleedyada ay Muqdisho joogeen dhowrkii casho ee aan soo dhaafnay,
Balse, wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha uu dib ugu dhacay shirkan ay tahay nooca ay noqoneyso doorashada sannadka 2016-ka oo lagu kala aragti duwan yahay, iyadoo ay ka soo baxeen shirarkii looga hadlayay doorashada ee dhawaan ka dhacay gobollada Somalia aragtiyo kala duwan oo ku aaddan doorashada 2016-ka.
Ugu dambeyn, shirka Muqdisho ka furmi lahaa ayaa lagu soo bandhigi lahaa natiijooyinkii laga soo saaray kulammadii Wada-tashi ee Gobollada ka dhacay iyo fikrad uruurintii laga sameeyay.
Shirarkan lagu magacaabay hiigsiga 2016 ayaa shacabka soomaaliyeed waxay ka muujiyeen ififaalo aan wanaagsaneyn.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply