Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Jaaliyada khaatumo state ee wadanka Belgiumka ayaa maanta waxay si ramsi ah usoo dhaweeyeen goaanka uu qaatay madaxwaynaha maamulka khaatumo state mudane Cali khaliif galaydh go aan kaas oo ahaa in xukuumada khaatumo ay gabi ahaanba xidhiidhka u jartay xukuumada Federalka somalia ee uu Hogaanka u hayo xasan culusow.
Gudomiya jaliyada khaatumo state ee Belgiumka mudane Maxamed Cige ayaa shabakada Ceegaag u sheegay in jaaliyada ay meel uga soo wada jeedaan Nidaamka Xasan culusow islamarkaana go aan ka xukuumada khaatumo ay soo dhawaynayaan
Sidoo kale jaaliyadu waxay sheegtay in cid walba oo taageersan shirkii garowe ka dhacay ee xaqdarada ahaa uu san kamid ahayn bulshada reer khaatumo jaaliyadu waxay si gaara carab ka ugu dhufteen puntland oo go aan kan hor ordaysa islamarkaana isku raacday in maamulka khaatumo xildhibaanadiisa ay iyagu soo xulaan waana mida keentay in maamulka khaatumo xidhiidhka u jaro gabi ahaanba Dowlada Somalia Gudomiye Cige wuxuu guud ahaan shacabka iyo xukuumada ugu baaqay in lagu sii adkaysto go aanka madaxwaynuhu qaatay iyo in lasii xoojiyo iskaashiga guud eee umada reer khaatumo
Figradihiina