Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shir-Weynaha Sanadlaha ah ee Islaamka oo Kasocda Nairobi

Maarso 27, (Ceegaag)-Waxaa maalintii labaad galay oo Nairobi haatan si toos ah uga socda Shir-Weynaha Sanadlaha ah ee Islaamka (Annual Islamic Conference 2016).
Shirkaan oo maalintii shalay ahayd ee Sebtida furmay ayaa waxaa kasoo qeyb galay Musliim badan oo kakala yimid daafaha caalamka. Shirweynahaan ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Shirarka Caalamiga ee Kenya ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano KICC kuna taala bartamaha caasimada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Muslimiinta ku dhaqan dalkan Kenya sida culimaau-diin, siyaasiyiin caan ah, ururada bulshada rayidka ah iyo masuuliyiin kale oo kala duwan. Shir-waynahaan oo looga arinsanayo arimo badan oo muhiim u ah ummada Muslimiinta ah ee caalamka oo idil ayaa ajendeyaashiisa ugu waaweyn waxaa ka mid ah sidii ummada Muslimiinta ah loo gaarsiin lahaa barwaaqo iyo baraare iyo ammaan lagu naaloodo.
Culimadii ka hadashay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa wadaadka caanka ah ee Soomaaliyeed ee daggan dalka Canada, Sheekh Saciid Raage. Halka siyaasiyiinta caanka ah ee Muslimiinta ee khudbadaha ka jeediyay uu kujiro hoggaamiyaha aqlibiyada dalka Kenya, Mudane Aadan Barre Ducaale.
Galinkii hore oo dhan shalay markii shir-weynuhu furmay ayaa waxaa si toos ah u lalinayay warbaahino kala duwan disa NTV iyo Radio Salaam iyo kuwo kale.
Shirka ayaa waxaa la filayaa inuu soo gabagaboobo taariikh 28 bishaan aan kujirno ee Maarso oo ah berito.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply