Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo lagu wado inuu maanta furmo

Janaayo 12 (Ceegaag)— Shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa lagu wadaa inuu maanta ka bilowdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Shirkan oo ay hore dowlada Federalka u qorsheysay inuu soo dhamaado bishii hore ee December 2015 ayaa la kulmay dib u dhacyo sababo kala duwan lahaa.
Hase yeeshee dowladda Federalka ayaa go’aansatay in shirkan uu soo dhamaado ka hor bisha March ee 2016 waxaana qabsoomida shirka uu ku socdaa dardar xoog leh oo laga dareemayo magaalada Muqdisho iyo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Shirkan ayaa shirarkii hore maamul u sameynta ee lagu qabtay magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Cadaado waxa uu ugaga duwan yahay iyadoo magaalada Jowhar ay ku taal meel aan wax badan ka fogeyn caasimadda, gaariga ka baxa magaalada Muqdishana aysan ku qaadanayn wax ka yar 3 saacadood.
Waxaa shalay iyo dhowrkii maalmood ee ka sii horeysayba magaalada gaarayay ciidamo gaar ah oo sugaya ammaanka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wasaarada arrimaha gudaha ay diyaarisay guud ahaan agabkii loogaga baahnaa qabsoomida shirka.
Hase ahaatee waxaa shirka dib u dhac ku keenay geeridii ku timid allaha u naxariistee Ugaas Cabdraxmaan Ugaas Khaliif iyadoo aysan weli magaalada Jowhar soo gaarin ergadii ka socotay gobolka Hiiraan ee ka qeyb gali lahayd shirka maamul u sameynta labada gobol ee xad wadaagta hore u ahaa.
Balse warar ayaa sheegaya in saaka ay diyaarad ka soo duuli doonto magaalada Beledweyne taasoo keenaysa magaalada Jowhar ergo aan tiradooda la sheegin oo ka socota gobolka Hiiraan.
Sidoo kale xubnaha maamulka gobolka Hiiraan oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa la filayaa inay soo gaaraan magaalada Jowhar oo ah magaaladii hore Yuusuf Dabageed loogu magacaabay markii ugu horeysay inuu noqdo guddoomiye gobol.
Waxaa la filayaa haddii la isku afgarto in la dhiso maamul ka dhaxeeya labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan inuu noqon doono maamulkii ugu dambeeyay ee Federalka ka mid ah ee laga dhiso dalka Soomaaliya.
Magaalada Beledweyne iyo magaalada Jowhar ayaa waxaa ku sugan siyaasiyiin dooneysa in ay ka qeybgasho doorashada xilalka ugu sarsareeya maamulka sida Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Ma jirto musharax ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe oo si rasmi ah u shaaciyay inuu u ordayo xilka madaxweyne, halka qaar kamid ah musharixiinta ka soo jeeda gobolka Hiiraan ay ku dhowaaqeen inay u tartamayaan xilka madaxtinimo ee maamulka labada gobol.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply