Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
January 10(Ceegaag)–Waxaa marar badan dib u dhac ku yimid Furitaanka Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe kaasoo muddo ku dhow lex bilood laga mashquulay in Maamul loo sameeyo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Madaxweynaha Somaliya Wareegtoo uu soo saaray ayaa waxaa lagu shaaciyey in Madasha Shirka labada Gobol ay tahay Magaalada Jowhar,halka Caasimadana looga dhigay Magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya Mahad Salaad ayaa sheegay in Maalinta Talaada uu furmayo Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,waxaana maalmo ka hor Jowhar Booqasho ku tagay Xog-hayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arimaha Gudaha iyo Federaalka,waxa uuna kormeer ku soo sameeyey Goobaha loogu talagalay in la dejiyo Ergada iyo Martida ka qeybgaleyso Shirka.
Magaalada Jowhar Waxaa ka soconaya Diyaargarowgii ugu danbeeyey,waxaana la amray Shacabka Jowhar in ay qurxiyaan soon celiyaan Bilicda Xaafadaha,Leerarna ku xiraan Guri walbo.
Ceegaag.com
Figradihiina