Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shirka Madasha Wada Tashiga Qaran oo ka furmay magaalada Kismaayo

Janaayo 14 (Ceegaag)— Shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee geeddi socodka hanaanka doorashooyinka sanadkan 2016 ayaa goor dhow ka furmay magaalada Kismaayo, iyadoo shirkan afartii maalmood ee la soo dhaafay uu dib u dhac ku imaanayay.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah oo ka qeybgalaya madaxda ugu sareysa dowlada Federalka,Madaxda maamul goboleedyada, Xildhibaano,Qaramada Midoobay iyo wadamo badan oo caalamka ka mid ah.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa ka hadlay shirka ayaa sheegay in shirkan aysan beesha caalamka wax dhaqaale ah ku bixineyn lacagta ku baxaysana ay tahay mid ay iska soo ururiyeen bulshada magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa xusay in ay muhiim tahay in calamada badan ee maamul goboleedyada hoos loo dhigo isla markaana calanka ay Soomaliya ku mideysan tahay sare loo qaado. Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubba Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu taariiq ku reebo magaalada Kismaayo maanta.

Hase yeeshee qudbad uu ka jeediyay shirka ra’iisal wasaare Cumar Cabdrashiid Cali Sharma’arke oo ka qudbad ka jeediyay shirka waxa ay sababtay in xildhibaano badan ay buuq ka dhex sameeyaan shirka kadib markii uu sheegay in shirka ay Soomaali oo dhan ka qeybgalayso oo ay u dhan tahay.

Xildhibaanada buuqa sameeyay ayaa waxa ay ku doodeen in gobolada Waqooyi ee dalka aanaysan ka qeybgalayn shirka sidaa darteedna aysan Soomaali oo idil joogin shirka.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply