Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka nagasoo gaadhaya Taleex ayaa sheegaya in si aada laagu guulaystay in la gaadho is afgarad sidii loo nabadeen lahaa beelaha degaanka Taleex oo dirir ay ka danbeeyeen Maamulada Hareeruhu halkaa ku dhexmartay horaantii sanadkan iyo sanadkii tagay.
Dhinaca kale maleeshiyo beeleedo aydabada ka riixayaan maamulka Somalialnd sidoo kalena lagaga hortagayo in reer Khaatumo aayahahooda katashadaan ayaa saaka kaabiga u yimid magaalada taasoo keentay in shirka laga raro Taleex iyada oo la filayo in inuu si dhaqso ah uga furmi doono deegaan aysan u haysan Horgalo, sidoo kalena aysan hawaysan karin inay dirir colaadeed ku soo aadaan maamulka Somaliland.
Maamulka Khaatumo ayaa haatan ay ka go’an tahay inay si toos ah u yagleelaan maamul rasmi ah kaasoo la dhamaystiray gudiyadii maamuli lahayd siiba gudi soo xulida Baarlamaanka oo ka kooban 25 Xubnood, gudiga khilaafaadka oo ka kooban 13 xubnood iyada oo ay wali socdaan Musharixiinta doonasa inay maamulka jagadiisa u saraysa qabsadaan.
Daandaansiga Maamulka Somaliland ayaa lafilayaa in laga dhaxlo dagaalo ay in badan ka warwareegeen madaxda sare maamulka Khaatumo kaasoo u muuqda haatan xalka kaliya ee nabad waarta lagu gaadhi kalro, dhinaca kale ka rarida shirka laga raray Taleex ayaa waxay dhibyareenasaa in nabadayn waarta loo helo dadka deegaanka oo cadaawad aan horay u jirin loogu abuuray iyada oo ciqaablooga dhigay marti galinta ay marti galiyeen martina galinayaan shirarka aayo katalinta shacabka SSC.
Dhawaan ayaan idiin soo gudbindoonaa deegaanka nasiibka u hela in shirka laga furo.
Ceegaag.com
Figradihiina