Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
17 Septembar 2015 (Ceegaag)—Shirkadaha ugu waaweyn xagga internet-ka ayaa Casuumaad u fidiyay Axmed Maxamed oo ah wiil 14-jir ah oo Saacad uu sameeyay darteed loo xiray.
Shirkadaha facebook, Google, Twiter iyo qaar kaloo badan ayaa ka codsaday inuu soo booqdo.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa isaguna aqalka cad ku casuumay Axmed Maxamed oo ah wiil dhigta fasalka 9aad ee dugsiga sare ee Gobolka Texas ee dalka Mareykanka.
Xariga Axmed ayaa yimid markii saacad uu ku sameeyay gurigiisa uu geeyay Dugsigii uu dhiganaayay si uu bogaadin ugu hello hase yeeshee macalimiintii ayaa ku wargeliyay booliiska in Bambaano uu keenay Dugsiga kadibna Booliiska ayaa xiray.
Arintan ayaa noqotay tan ugu hadalheynya madan wararka Caalamka maanta.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina