Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
February 22 (ceegaag)- Munasabad lagu Daahfurayey Imtixaanka Shaqaale Xulis ay qaadanayeso Shirkadda Hadiid Industrial taasoo lagu qabtey Magaaladda Muqdisho , waxaana Munaasbadaas ka qayb galay Masuuliyiin ka socdey Rugta Ganacsiga , Hayadda Ifitin Foundation iyo Marti Sharaf kale
Ugu horeyn inta uusan Bilaaban Imtixaanka waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Shirkadda Hadiid Industrial Cabdi Shakuur Aadan Darwiish oo faahfaahin ka bixiyey waqtiga la aas aasey Shirkadda iyo u jeedka ay shirkadda u qaadaneyso Shaqaale iyo Cidda qaadeysa Imtixaanka
“ Sannadkii 2009 ayaa Shirkadda Hadiid Industrial la aas-aasey waxayna ka kooban tahay Shan qaybood oo kala ah Alxanka Culus iyo kan Fudud , Aluumiiniyamka , Qalabka Xafiisyadda , Dhameystirka Guryaha iyo Abuurida Dugsi lagu tababaro Dhalinyarada si ay u helaan Xirfad “sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha Shirkadda oo intaa raaciyey
“ Imtixaanka maanta ay Shirkadda qaadeyso waxaa u Fariisanaya 47 Xubnood kuwa u qaybsan Suuqeyn iyo Xirfadlayaal , waxaana Imitixaanka qaadaya Shirkada ka Madaxbanaan Shirkadeena oo lagu magacaabo Anfac si meesha looga saaro wax kastoo Tuhun iyaga ayaana Imtixaanka Saxaya , waxayna Shirkadda Hadiid Industrial ay dooneysaa 25 Xubnood kuwaa oo ay shirkada u sameyneysa Shaqo Abuuris “
Waxaa halkaa ka Hadley Shuceyb Cabduqaadir Macalin oo ka socdey Rugta Ganacsiga wuxuuna u mahadceliyey intii soo qaban qaabisey Imtixaankaan Shaqo Abuurista isagoo Shirkadaha kale ugu baaqey in ay ku daydaan Shirkadda Hadiid Industrial si dhalinyaro fara bada oo maanta Shaqo la;aan ah u helaan Shaqo
Sidoo kale waxaa halkaa ka Hadley Cabduqaadir Macalin Maxamed oo ka socdey Hayadda Iftin Fountoin oo Mahadcelin ka dib waxaa uu sheegey in Shirkadda Hadiid Industrial ay qaadey talaabo loo baahnaa oo ku soo beegentey xiligii loo baahnaa maadaama maanta ay Shaqo la’aan ay yihiin Dhalinyaro fara badan
Ugu Dambeyntii waxaa halkaa ka Hadley Maxamed Khadar Xasan Seed oo ka socdey Shirkada Qaadeysa Imtixaanka waxaa uu sheegey in aysan ahayn Markii ugu horeysey ee ay Shirkadooda qaado Imtixaan Noocaan oo kale isagoo sheegey in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo bandhigi doonaan Natiiijada Imtiixaanka
Ceegaag.com
Figradihiina