Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa goordhow lasoo gabagabeeyay shirkii ka socday Magaalada Brusselsee ee dalka Belgium,Somalia Partenrship Forum, kaa soo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, waxaana shirkan oo socday labo maalmood laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 14 bog.
Shirka oo wajigiisa hore uu wax ka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda federalka Soomaaliya iyo wixii u qabsoomay mudada xilhayntooda.
Wajiga labaad ee shirka ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweyne Farmaajo, waxaana goobjoog ka ahaa xubno ka socda Beesha Caalamka iyo Madaxda Maamulada Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka ka sheegay horumaradii dowladdiisa gaartay, isagoo u mahadceliyay taageerada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.
War murtiyeedka ayaa ka koobnaa dhowr qodob oo mid walba si gaar ah u faa-faahiyey, sida siyaasadda, ammaanka iyo dhaqaalaha, iyadoo la bogaadiyay horumarka dowladda ka sameysay barnaamijka SMP, kaasoo dowladda ku guuleysatay shuruudihii looga cafin lahaa deymaha Soomaaliya lagu leeyahay.
War murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa lagu muujiyay in Beesha Caalamka ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Soomaaliya, iyadoo deeqaha la siiyo Soomaaliya si toos ah loo soo marinayo Bankiga Dhexe, waxaana jiri doono isla xisaabtan labada dhinacba ah.
Shirka Brussels ayaa marka loo eego sidii la filayey uga heer hooseeya madaxda ka qeyb gashay oo u badnaa wakiilo iyo madax qeybood ka socday dowladaha iyo ururo caalami ah.
Hasa yeeshee sidii loogu bartayba wadamada Caalamka ee taageera Soomaaliya shirkan lagu qabtay Brussels waxaa Soomaaliya loogu deeqay Balaayiin Dollar.
Ceegaag.com
Figradihiina