Shirkii Madaxda Dhaqanka (Isimada) gobolka Mudug oo galabta lasoo gabagabeeyay iyo waliba Baaq shirkaa kasoo baxay
Waxaa Shirkaan isugu Yimid Dhamaan Isimada, Nabadoonada, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelaha Puntland ee Gobolka Mudug.
Shirkaan oo ka dhacay magaalo madaxda Galdogob ee Dagmadda Galdogob, kasoo looga hadlayey sida ciwaanka shirka ku cad, ahaana shirka
dhaqanka nabad galyada, midnimo iyo hormarka beelaha wada daga gobolka Mudug, hadaba waxa shirkaasi dhamaadkiisii kasoo baxay, war murtiyeed ama baaq ay soo saareen, Issimada iyo waxgaradka isugu yimid shirkaas, waana sidaan hoos ku cad:
- In dhamaan laga wada qayb qaato lagana wadashaqeeyo ilaalinta nabadgalyada gobolka iyo midda guud.
- In la iska kaashado nolosha iyo hor marka ummadda midda guud iyo mida gobolkaba
- In la ilaaliyo dhaqanka wanaagsan ee ku salaysan shareecada Islaamka dhamaana wixii inaga ba’san loo xaliyo si wadajir iyo walaaltinimo ah.
- Wuxuu shirku ku baaqayaa is cafis guur iyo isa saamax
- Wuxuu shirku ku baaqayaa oo la isla qaatay in shirka lasii wado oo aan la joojin ee kani uu noqdo kii bilowga ahaa inta laga gaarayo yoolkii
laga lahaa shirka.
- Wuxuu shirkani ku baaqayaa in la iska kaashado hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida dhismaha wadada Galdogob – Garacad.
- Wuxuu shirku ku baaqayaa in dadka shacabkaa ee reer Puntland gaar ahaan gobolka Mudug, ee qafaalasho ahaanta loohaysto muddo laba bilood ka badan xuriyadoodii loosoo celiyo sida ugu dhaqsiinyahay badan, ayna fududeeyaan cidkasta oo ay khusayso soodayn doodu gaar ahaan dowladda Puntland ay xil iska saarto soodaynta Shacabkeeda.
- Waxaa la isku dar-daarmay Alla kacabsi, walaaltinimo iyo Wadajir.
- In lajoojiyo kala takoorka beelaha wada daga Puntland.
Wabilaahi Towfiiq.
Isiimada Shirkaan Qabtay soona saaray baaqaan
- Ugaas Cali Ugaas Maxamed
- Islaan Bashiir Islaan Cabdille
- Ugaas C/qaadir Cilmi Filig
- Sudaan C/salaam Suldaan Maxamed
- Suldaan maxamed Jamac Shire
- Islaan Xassan Cigaal
- Suldaan Maxamed suldaan Maxamuud Cilmi Calas
- Suldaan Maxamed Maxamuud Buurtinle
- Suldaan Cabdi Bile
- Suldaan C/rishiid Muuse Shire
Figradihiina