Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Iyadoo Mudooyinka Magaalada Buuhoodle gaar ahaan Baliga Buuhoodle uu ka socday Shirwaynaha ay leeyihiin Beel Waynta Cali Gari ayaa shirkaasi Waxaa uu haatan Galay Wajigii ugu Danbeeyey Waxaana beesha Shirkaasi soo agaasimtay ay Kulamo gooni gooni ah oo Saxaafadu Banaanka ka ahayd ay la lahaayeen Beelaha Dega Buuhoodle Labadii Maalmood ee tagay.
Warar Madaxbanaan oo Ceegaag.com ka heshay Madasha Shirwaynaha ayaana noo Xaqiijiyey Maanta in Guud ahaanba uu gabo gabo ku Dhow yahay shirkaasi lana soo afjaray Kulamadii ay Beelaha Buuhoodle la lahaayeen Beelwaynaha Cali Gari, Waxaana lagu Wadaa in Maalinta sabtida ah Hadii ilaahay idmo la soo Bandhigitoono Go,aamo loogu tala galay Shiwaynaha Towfiiq2 oo Mudo ka socday Baliga Buuhoodle.
Warbaahinta ayaana Lagu Wargaliyey In Maalinta Sabtida ah Shirwaynuhu uu soo Xidhmi Doono Saxaafadu Goob Joog noqon Doonaan Hadii ilaahay Idmo, lama ogaan karo ilaa Hada Go,aamada ka soo Bixin Doono Shiwaynahaasi Towfiiq2 ee Sabtida la soo Xiri Doono Waxana Haatan Magaalada Buuhoodle siwayn looga Dareemayaa Go,aamada Rasmiga ah ee Shirwaynahaasi ka soo Bixidoona oo Bulshada Deegaanka Buuhoodle si weyn u sugayaan.
CaliDhagjar
Buuhoodle
Figradihiina